Gabiley(Wajaale News)-Guud ahaanba Dadweyanaha kunool Magaalooyinka Waaweyn ee Gobolka Gabiley oo uu dhinaca Somaliland kasoo jeedo Ganacsade Xaaji Jaamac Oomaar Seed ayaa, siweyn uga biyo diiday xadhiga tacadiga ah ee uu Madexweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele kula kacey Ganacsadahan taas oo lagu duudsiyay xuquuqdiisa shakhsi ahaaneed iyo ta muwaadinimo ee dalka Jabuuti.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa buuqa iyo shir doceedyada ku wajahan xadhiga ganacsade Jaamac Oomaar Seed waxa siweyn looga dareemay Magaalooyinka Hargeysa Gabiley, Tog-Wajaale Arabsiyo Berbera iyo Burco intaba, waxaana siweyn loogu gorfeeyay in aanay talaabadan Madexweynaha Jabuuti kula kacey Ganacsade Xaaji Jaamac Oomaar aanay aheyn markii u horeysayb ee nooceeda ah haseyeeshee, mar hore oo uu sidan oo kale u damceyna waxa Madexweryne Geele ka riday Ganacsatada iyo Duqeyda dalka Jabuuti.
“Jaamac Oomaar waa aayihii Somaliland iyo Jabuuti hadii wax loo haysto waa dacwad madani ah ee xadhiga noocaas ah magayo, waana cashuur bixiye qaali ah oo Jabuuti wadnaha kaga suntan Somaliland beerka kaga mudan mana gayo in la taabto shaadhkiisa, Seedi oo Mafexweyne waxaan kuu sheegayaa Jaamac Siyaasadna magalo mana gali doono anigoo ah Gudoomiyaha Subeer Awal waxaan ku leeyhay waa ganacsade xalaal maal ah oo xalaal cun ah yaanay Xidhiidhkeena labada dal iyo ta Beesha Subeer Awal ee degta Geesta Afrika waxaanu raali ku noqoneynaa inaad xaal iyo raali galin ka bixiso laakiin Xadhiga aad xidhay hadalkiisa maanu garan”Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle(Dabalule)
“Ismaaciil Cumarow kolay in badanbaanu seedinimada ilaalinay oo aanu kugu xagdhowrney, laakiin hada meel xunbay joogtaa oo halkii Siyaad Barre ayaad Mareysaa Madexweyne waxaanan ku leeyahey hadii aad Xaajiga Afeekh Boore ka baadi doonto waxa kugu soo noqon doona afeekh borel, waxaanu ku leenahay kolay waxba maad dhowrsane, digataatooriyada iyo hebelbaad salaantey waa wax mandaqada iyo caalamku kasoo gudbey waxaanay Soomaalidu tidhaahdaa booraan hadimo ha qodin hadaad qodana ha dheereyn ku dhici doontaana mooyaane, waxaad kaga quusataa xadhig iyo digteetarnimo waxaa ku dhacey madaxda carbeed ee dalalka dariskaaga anuu waxaan ku leeyahey Xaajigaa xoogsanaya Xoriyadiisa usoo celi kolay dabkaanu hurunaa ma bakhtiyo,e”Sidaa waxa yidhi Xaaji Axmed Ismaaciil Cali oo kamid ah duqeyda Gobolka Gabiley oo si adag uga hadley Xadhiga Ganacsade Xaaji Jaamac Oomaar Seed oo Madexweynaha Jabuuti ku xidhay Xabsiga Gabood.
“Arintu noqon mayso mid Reer Gabiley oo kaliya ku eeg Xaajigu waa nin Somaliland iyo Jabuutiba kasoo jeeda arintiisu waxey gaadhi doontaa meel adag markaa waxaan ku leeyahey Madexweyne oo seedi meel xub nagamay gaadhine adigana Lexejeclaanu kaa qabnaaye dib uga noqo oo xoriyadiisa usoo celi Xaaji Jamac Oomaar Seed waa gacanatayadii midig oo xadhigiisu waana damqayaaye”Sidaa waxa yidhi odey Cali Ismaaciil
Guud ahaanba kuma koobna dadka maanta ka hadley Xadhiga Xaaji Jaamac Oomaar Seed haseyeeshee, waxa wali socda abaabulka ay beelo tira badan madaxdhaqameed, aqoonyahan iyo dad kale oo kamid ah bulshada labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland ay kaga howlgalayaan Xadhiga Ganacsadaha iyadoo dhinaca hay,adaha Xuquuqal insaankana loo gudbiyay dacwado ka dhan habdhaqanka Madexweynaha Jabuuti iyo sida uu xoriyadiisii uga qaadey Ganacsadahan xorta ah.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane