Hargaysa(Wajaale News)- Ciidamadda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in qorsheynayaan in ay saldhigyo milateri oo ay ku bixi doonto malaayiin dollarka Maraykanka ah ka samaystaan xadadka ay Soomaaliya la leedahay wadamadda Jamhuuriyadda Jibouti iyo Kenya sidaana waxa xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ee Pentagon-ka.
.
Afhayeen u hadlay Taliska Milateriga Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheega ujeedadda laga leyahay saldhigyadan cusub ee uu Maraykanku yagleelayaa in ay daaran yihiin sidii ay ula socon lahaayeen dhaq-dhaqaaqa Xarakadda Al-Shabaab ay ka sameynayaan xadadka wadamadda geeska Afrika iyo weliba sidii looga hor tegi lahaa weeraradoodda, waxaanu sheegay in saldhigyaddan lagu tababari doono ciidamadda dalalka ku yaala mandaqadda geeska Afrika, isla markaana ay noqon doonaan saldhigyo u suurtagelin kara ciidamadda Maraykanka in ay ka qaadaan weeraro dhinaca badda ah.
Ciidamadda Maraykanka ayaa saldhig melatari oo istaraatiji ah hore ugu lahaa dalka Jibouti kaas oo ay adeegsadaan ciidamadda Milatariga ee dalka Maraykanku.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane