Ciidamadda Mareykanka Oo Qorshaynaya Saldhigyo Milateri Oo Ay Ka Dhisanayaan Xuduuddaha Ay Soomaaliya La Wadaagto Wadamadda Jibouti Iyo Kenya.
November 22, 2013 - Written by Wariye:
.
Afhayeen u hadlay Taliska Milateriga Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheega ujeedadda laga leyahay saldhigyadan cusub ee uu Maraykanku yagleelayaa in ay daaran yihiin sidii ay ula socon lahaayeen dhaq-dhaqaaqa Xarakadda Al-Shabaab ay ka sameynayaan xadadka wadamadda geeska Afrika iyo weliba sidii looga hor tegi lahaa weeraradoodda, waxaanu sheegay in saldhigyaddan lagu tababari doono ciidamadda dalalka ku yaala mandaqadda geeska Afrika, isla markaana ay noqon doonaan saldhigyo u suurtagelin kara ciidamadda Maraykanka in ay ka qaadaan weeraro dhinaca badda ah.
Ciidamadda Maraykanka ayaa saldhig melatari oo istaraatiji ah hore ugu lahaa dalka Jibouti kaas oo ay adeegsadaan ciidamadda Milatariga ee dalka Maraykanku.