WAJAALE NEWS

Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Kor U Kaca Ku Yimid Kiisaska Danbiyada Kala Duwan Ee Dalka Ka Dhacay Sanadkan 2013.

ciidanka hogankaHargeysa(Wajaale News):-Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali ayaa shaaciyey tiradda danbiyada guud ee dalka ka dhacay sanadkan 2013-ka inay kor-u-kaceen, marka la bar-bar dhigo danbiyadii dalka ka dhacay sanadkii hore 2012-ka,isla markaana waxa uu sharaxaad ka bixiyey,tirada dilalka, Kufsi-Wadareedyada,Shilalka Gadiidka, Dadka is-deldelay,Caruurta la tuurey  ee dalka ka dhacay iyo weliba mukhaadaraadka la qabtay.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Ciidaanka Booliska Somaliland oo ku asteysan sanad-kasta 3-Novernmber oo shalay lagu qabtey Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali

Ugu horey,waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali oo uu yidhi “Madaxweyne,waxaan u kacay inaan war-bixin kooban ka siiyo waxqabadka Ciidanka Booliska Somaliland,oo sanad-walba maalintan oo kale lagu xuso 3-November oo maalinta asaaska Ciidanka booliska Somaliland.Waxaanay maanta ku beegan tahay sanad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska Ciidanka bileyska”

“Mudane, Madaxweyne inta aanan dhex-gelin war-bixinta waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka tilmaamo dhacdooyinka dhinaca nabadgelyada khuseeya oo ay Ciidaanka boolisku muddooyinkan u danbeeyey ay ku hawlan yihiin,tallaabooyin adagna ay ka qaadeen,waxaana ka mid ah, Dagaalo ay isaga horyimaadeen dhalinyarada kooxa- kooxeysiga ee Xaafadaha Magaalada Hargeysa,kuwaas oo bulshada kula kaca falalka budhcadnimada iyo dhaqan xumo aynaan caaddo hore u lahayn,kuwaas oo ah kufsi-wadareedyo,waxaanay Ciidanka boolisku u qabteen oo ay gacanta ku dhigeen sanadkan (2013) 375 ka mida dhalinyaradaasi,waxaana lagu xukumay xadhig u dhaxeeya 3-sanadood ilaa sadex bilood”.Ayuu yidhi Maxamuud Ducaale.

Mar uu Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali oo ka hadlayey aafada tahriibtu leedahay,oo uu ku tilmaamay inay muddooyinkii ugu danbeeyey ay soo korodhay,waxaanu yidhi “Waxa muddooyinkan dabe soo kordhay ka ganacsiga tahriibta dhalinyarada, oo aafo qarana oo khatar inagu ah,waxaanay Ciidanka boolisku la galeen dagaal, waxaana sanadkan (2013) gacanta lagu soo dhigay 22-qof oo ah kuwa wax tahriibiya ee loo yaqaano Aboolayaasha,waxa kale oo la soo qabtey 380-dhalinyaro tahriibaysay oo aan dib u soo celinay, oo aan gacanta ka gelinay waalidiintood,dhalinyaradaasi oo dhamaantood u dhashay Somaliland iyo Soomaaliyaba”.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali waxa uu sheegay inay Ciidaanka Booliska Somaliland ay qeyb laxaad leh ka qaataan horumarinta waddanka, isaga oo arrimahaas sharxayana waxa uu yidhi”Ciidaanka boolisku waxay ka qeybqaataan hawlaha horumarinta waddanka,sida dakhli uruurinta,dib-u-dhiska Waddooyinka,Wax soo saarka dhinaca Dalaga Beeraha iyo mashaariicda Wajaale,inkasta oo aanan sanadkan helin dhul nagu filan oo aanu mashaariicda Wajaale ka sameyn lahyn.”

Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali ayaa waxa uu sheegay danbiyadii dalka ka dhacay sanadkan marka la barbar dhigo sanadkii hore inuu kor u kac ku yimid iyo weliba asbaabaha uu u aanaynayo kor u-kacaasi:”Madaxweyne,Tira koobka guud ee danbiyada dalka ka dhacay sanadkan 2013-ka waxay ahaayeen 21,278 danbi (Kow iyo laaban kun laba boqol iyo sideed iyo todobaatan denbi),waa inta noo soo gashay buuga loo yaqaano Buuga Dacwadaha ?Oobiiga?,waxaan u gudbinay maxkamada 6,699 (Lix kun lix boqol iyo Sagaal iyo Sagaashan), inta la xukumay 2,258 (Laba kun laba boqol iyo sideed iyo koton), inta laga heshiiyey 9304 (Sagaal kun sadex boqol iyo afar), inta beenoowday ee noqotay nooca la yidhaahdo ?Xaalad-abuurka?waa 3832(Sadex kun sideed boqol iyo laba iyo sodon),inta baadhista ku jirtaa waa 1,443 (Kun afar boqol iyo sadex iyo afartan).Haddii aan is-barbar dhigno xaaladaha danbiyada dalka ka dhacay sanadkii hore 2012 waxay ahayd 18,989 (Sideed iyo toban kun sagaal boqol iyo sagaal iyo sideetan), halka ay sanadkana 2013-ka ay ka noqotay 21,278 (Kow iyo laaban kun laba boqol iyo sideed iyo todobaatan denbi),waxaanay sanadkan denbiyadu ka ceen 2,289 (Laba Kun laba boqol iyo sagaal iyo sideetan debni) oo noqonaysa (Boqolkiiba laba iyo toban) 12%,waxaana laga yaaba inay dadku ka eegaan danbiyada dhinaca lidiga ah,balse waxa danbiyadaasi sababay bulshada oo badatey iyo tejnoolajiyada casriga ah ee inagu soo korodhay, ama fahamka bulshada oo ay fahmeen sharciga oo ay u soo dacwoodeen saldhigyada”.Ayuu yidhi.

Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali oo ka hadlaya dilalka ka dhacay dalka waxa uu yidhi?Madaxweyne,Dilalka sanadkan ka dhacay dalku waa 73-dil,waxa ku dhintey 75-qof,waxa gacan ku dhiigle la qabtey 68-qof,inta ay Ciidaanka boolisku baadi-goobayaan waa 5-qof.Mudane.Madaxweyne haddii aynu is-barbar dhigno dilalka dalka dhacay sanadkii hore 2012-ka iyo sanadkan 2013-ka,sanadkii hore 2012-ka dilalka dalka ka dhacay waxay ahaayeen 77-dil,sanadkana 2013-ka waxa dil dhacay 73-dil, waxaanay hoos u dhacday 4% (Boqolkiiba afar) oo qiyaas u noqonaysa 5.2″.

“Shilalka baabuurta ee sanadkan 2013-shil ayaa ka dhacday waddanka waxay ahaayeen 2347-Shil (Laba kun sadex boqol iyo todoba iyo afartan shil), inta ku dhimatey waxay noqotay 146-qof ayaa ku dhintey,inta ku dhaawacantay 1805 (Kun iyo sideed boqol iyo shan), khasaaraha gadiidka wax ku noqday waa 1606 (Kun lix boqol iyo lix),khasaaraha xoolaha nool ee ku dhintey waxay noqdeen 419 (Afar boqol iyo Sagaal iyo Toban),khasaaraha dhimashada dadku waxay noqdeen 227 (Laba boqol iyo todoba iyo labaatan),dhismayaashu waxay noqdeen 227.Madaxweyne haddii aan is-barbardhigno shilalka sanadkii hore 2012-ka iyo sanadkan 2013-ka waxay aad u kacday sanadkan (2013) 2875,halka ay sanadkii hore (2012-ka) ka ahayd 2347-shil,waxaana kacay 18%,waxaana arrintaas sababay ku hadalka moobilada, iyo wadayaasha gaadiidka oo leh taxadir xum iyo Baabuurta oo ay ku yar tahay waxa loo yaqaano Calaamadaha iyo Xamuul-dhaafka baabuurta waa-weyn”.Ayuu yidhi Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Sanadkan (2013) Caruurta la tuurey ama aanu banaanka ka helnay waxay noqdeen 15-Caruura,inta dhimatay waa 7-Caruura, inta nooli waa 8, haddii aan is-barbar dhig ku sameeyno waxay sanadkii hore (2012-ka) ahayd 15-Caruura, sanadkana 2013-ka waa 15-Caruura.Tiradda dadka is-deldelay sanadkan 2013-ka waxay noqdeen 18-qof, inta dhimatay waa 18-kiiba,oo dhaawac malaha.Tiradda iska horimaadyada dalka ka dhacay sanadkan 2013-ka waa 4 iska horimaad,waxa ku dhintey 9-qof,waxa ku dhaawacmay 11-qof.Waxyaabaha aanu sanadkan dhinaca mukhaadaraadka qabanay 3382-Litir oo Khamri ah,waxaanu xashiishad qabanay 775-Gram oo ah noocyadeeda kala duwan, tiradda eedeysanayaasha aanu u qabanay waxa weeyaan 45-qof iyo laba baabuur oo dhamaantoodba waxa la horgeeyey maxkamad. Lacagaha been abuurka ee aan qabanay sanadkan waxa weeyaan (Sadex milyan afar boqol iyo shan iyo toban) oo loo eekeysiiyey lacagta shilinka Somaliland,waxaanu lacagta Dollarka ka qabanay 5730 (Shan Kun Todoba boqol iyo sodon) oo loo eekeysiiyey lacagta Dollarka,lacagta jabuuti ee loo yaqaano Faranka waxaanu ka qabanay 2000 (Laba kun oo Faran) oo Faran oo loo eekeysiiyey faranka,dhamaan dadkii lagu qabtey lacagahaas oo dhamaa 14-qof waxaanu u gudbinay maxkamada”.

“Noocyada danbiyada dalka ka dhaca waxa ugu baddan laba nooc oo kala ah, danbiga dadka ka dhankaa sida dilka,isku-dayga dilka, faro-saarka, dhaawaca, safaynka, Kufsiga,waxaana ugu baddan dhaawacyada, danbiyada Hantida ka dhankaa, Budhcadnimada, Tuugada,Baabul-khiyaamada,Baadda,Foojariga, Dhul-boobka iyo khasaaraha iyo wixii la midka ah.Cel-celis ahaan danbiyada guud ee dalka ka dhacay sanadkan 2013. Waxay noqonayaan sanadkii waxa dhacay 21278-danbi,lixdii bilood waxa dhacay 1639(Toban Kun lix boqol sagaal iyo sodon), sadexdii bilood waxa dhacay 5319 (Shan Kun sadex boqol sagaal iyo toban), bishii waxa dhacay 1773 (Kun Todoba boqol iyo sadex iyoTodobaatan), wiigii waxa dhacay 422 (Afar Boqol iyo laba iyo labaatan), maalintii waca dhacay 59-Kiis, Saacadii waxa dhacay 2-kiis, Minidkii waxa dalka ka dhaca hal-Kiis”.Ayuu yidhi Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamuud Ducaale Cali

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version