WAJAALE NEWS

Badhasaab Cabdoo Oo Ku Guul Daraystay Xal U Helida Xiisadii Maamul Ee Degmada Baki Iyo Xildhibaano Kasloonidii Kala Laabtay Maamulkii Degmadaas

cabdooBoorama(Wajaale News):Badhasaabka gogolka Awdal oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal iyo Xoghayaha gobolka Awdal ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baki, halkaas oo ay ka oognayd xiisad ka dhan ah maamulka degmada, isla markaana xildhibaano 9 ah oo degmadaasi laga soo doortay ay u balansanaayeen qabashada mooshin ka dhan ah maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Baki.

Markii ay gaadheen wafdigan magaalada Baki ayaa waxa ay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen xildhibaanada degmada ee mooshinka waday, waxana xusid mudan in kulankan uu ka maqnaa Maayarka degmadaas Maxamed Axmed Caateeye ee ay xildhibaanadu rabeen inay mooshinka ku soo oogaan.

Kulankan ayay albaabdu u xidhnaayeen isla markaana aan la ogayn waxa ay ka wada hadleen badhasaab Cabdoo iyo xildhibaanadu, markii uu kulankan soo dhamaaday ayuu Badhasaab Cabdoo ku guul daraystay inuu la hadlo saxaafada una sheego waxa ay ka wada hadleen, balse dhinaca kale xildhibaanada kulanka la qaatay badhasaabka ayaa saxaafada la hadlay kuna tilmaamay kulankii ay badhasaabka la yeesheen mid dhicisoobay oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.

Xildhibaanadu waxa ay intan ku dareen in Badhasaabku uu xoog u adeegsaday isla markaana uu isku dayay in uu marin habaabiyo dulucda dacwadii ay u soo gudbiyeen ee ka dhanka ahayd maamulka degmada Baki, sidaasi aawadeed ayaa waxa ay ku sheegeen shirkaasi jaraaid ee ay qabteen inay kalsoonidii kala laabteen maayarka iyo maayar ku xigeenka Baki, maanta waxa ka dambeeyana aanay aqoonsanayn maamulka degmada, sidoo kale ay ku wargalinayaan Wasaarada Arimaha Gudaha inay arintan la socoto, waxna ka qabato xiisadan maamul la?aanta u hor seeday degmada Baki waa sida ay hadlka u dhigeene, mar hadii uu ku fashilmay wax ka qabashadeeda masuulkii ugu sareeyay gobolka Awdal.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalnews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version