WAJAALE NEWS

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte Oo Sheegay In Ay Xukuumaddu Marayso Heer Ay Ardayda Dugsiyada Halhalka Dollar Ee Nusasaacaha Ah Ka Urursato.

xildhibaan raytoHargeysa(Wajaale News)-Xildhibaan  Ibraahim Jaamac Cali Rayte  oo kamid ah gudida fulinta xisbiga WADANI ayaa sheegay in aan xukuumada  ka daacad ahayn dhisitaanka wada isku xidhaysa Magaalooyinka  Ceerigaabo iyo  Burco isagoo ku tilmaamay in ay xukuumadu xiligan ku jirto olole ay ku doonayso in ay ku hesho taageero badan isla markaana ay qariso fadeexada ka taagan bixitaankii shirkada shidaalka ee Genel, ta ka taagan garoonka diyaaradaha  ee Magaalada Hargaysa iyo ta la xidhiidha dhinaca Maamulka hawada.

Xildhibaan Rayte waxa uu ku dheeraaday khayraadka uu  koobsaday goboka sanaag balse gobolkaasi uu ka go,an yahay dalka intiisa kale waddo la`aanta haysata darted waddo la`aantaasina aanay ahayn wax hadda cusub balse qaabka ay hadda xukumadu wax u wadaa ay tahay olole cad., isagoo taasna cadayn uga dhigay qodobadan.

1-maanta Waxaanu ansixinay miisaniyadii , miisaaniyadauna waxa ay cadaysaa wax ay  dawladu qaban doonto ama qorshaheeda ah hal shilina uguma jirto  Wadad Ceerigaabo , haday xukuumadau u heelantahay dhisida wadad ceerigaabo intaanay caruurta iskuulada dhigato nusa saacaha ka ururin ama shaqaalaha inta yare e aan kufilnayn iyagaba wax  uga jarin iyadu badka ha soodhigto waxay ku darsanayso.

2-yaa dhisaya wadada? Xukuumadu wadooyinka madhisto ee waxay ahayd in loosameeyo haa`yad gaara oo dhista, waanay dhisnayd ee waa la baabiiyay, lama hayo wada dhisayn keedii.lacagta ay ku kacayso iyo inta biriish ee ay yeelan doonto waxaa soo dhan lama hayo , haday xukuumadu hayso ha cadayso.

Waxa uu xildhibaan rayte intaasi raaciyay  in aan wadada ceeri gaabo kaliya lagu dhisi Karin kharash kooban oo ardayda dugsiyadu ku deeqaan , dhinaca kalena xeerkii lagu kordhiyey cashuurta xoolaha uu saamayn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii xoolaha maadaama oo xiligan lagu xijo xiligii xooluhu ugu socodka badnaayeen,taasina ay tahay u jeedada loogu beegay xilligan,

Waxa uu u soo jeediyey xukumadana uguna baaqay in ay badka soo dhigto qorshaha ay wadadaas u hayso xukuumadda lafteedu intaas ka dibna  markaasi haboontahay in shacabka wax la waydiiyo oo ay iyaguna qaybtooda ka qaadan doonaan.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version