WAJAALE NEWS

Xeer-ilaaliyaha Cusub Ee Gobolka Gabilay Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

gabileyGabilay (Wajaale News)- Xeer-ilaaliyaha Cusub ee Gobolka Gabilay Mr.Yuusuf Biixi Maxamed, ayaa Arbacadii toddobaadkan xilkii si rasmi ah ugala wareegay Xeer-ilaaliyihii hore ee gobolkaas Mr. Aadan Salaad Seed.
Xafladda xil-wareejinta oo lagu qabtay hoolka Maxkamadda Degmada Gabilay waxa ka qaybgalay Maayirka Gabilay, Badhaasabka, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada iyo Masuuliyiin ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta Gabilay.
Badhasaabka Gobolka Gabilay Mr. Yuusuf Ibraahim Diiriye, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xeer-ilaaliyaha cusub oo uu tilmaamay inuu yahay nin dhallinyaro ah oo wax badan la qaban kara dhallinyaradii ka soo horraysay, isagoo xusay in gobolka ay muhiim u tahay in caddaaladda la sugo.
Mr. Yuusuf Ibraahim wuxuu carrabka ku dhuftay in wax kasta caadi noqonayaan amma amnigu sugnaanayo haddii caddaalad la helo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Cabdimajiid ayaa  siweyne u soo dhaweeyey Xeer-ilaaliyaha cusub, waxaannu ka warramay in muddadii ay joogeen Gobolka Gabilay ay wax badan ka beddeleen dhinaca caddaaladda, isagoo tilmaamay inay ku hawlan yihiin sidii ay u hirgelin lahaayeen dhisme ku filan Maxkamadda Degmada,
Garsoore Cabdimajiid wuxuu u soo jeediyey dhamaan bahad garsoorka  Gabiley  in looga baahan yahay hawlkarnimo iyo dadaal iyo wad shaqayn hufan

Xeer-ilaaliyaha Cusub ee xilka la wareegay Mr. Yuusuf Biixi Maxamed ayaa sheegay inuu hore uga soo shaqeeyey Gobolka Saaxil, isagoo xusay in Gobolka Gabilay uu ugu yimi dhallinyaro garsoorka ku jirta, waxaannu u soo jeediyey in haddii ay guulaystaan ay dhallinyaradu guulaysatay, hadday fashilmaana dhallinyarada ceebtaasu u imanayso, waxaannu ballanqaaday inuu caddaalad ku hoggaamin doono xafiiska Xeer-ilaalinta.
Maayirka Gabilay Shacayb Maxamed Muuse ayaa sheegay in dawlad hoose ahaan ay diyaar caddaaladda Gabilay ula yihiin wixii taakulayn ah ee looga baahdo, hadday noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo ka qaybqaadashada dhismayaasha.
Xeer-ilaaliyihii Hore ee xilka wareejiyey Mr. Aadan Salaad Seed, ayaa sheegay in aanu ka tegin xafiiska Xeer-ilaalinta, balse xilku uu meerto yahay, lana sii shaqayn doono Xeer-ilaaliyaha cusub ee beddelaya.

Hargeysa Office
Wajaale News
Info wajalenews@gmail.com

Wariye: Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version