WAJAALE NEWS

Wasiiro Tiro badan oo Kamid ah Golaha Xukuumada Madexweyne Siilaanyo Oo Arbacadii Isa Soo Dhoobay Kaamboolka Madaxtooyada kadib markii uu wasiir Xirsi Dalka ka dhoofay, Waa Maxay Sababtu?

wasiiroHargeysa(Wajaale News)-Xubno tira badan oo kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, ayaa mar kaliya lagu arkay iyagoo  si ka badan sidii awal hore usoo galaya  Maalintii Arbacadii shaley Xarunta Madaxtooyada Somaliland, oo aanay awal hore haweysan kulan ay la qaataan Madexweynaha  marka laga Reebo Maalinta Shirkooda taas, oo dad badani isweydiiyeen.

Wasiira tira badan oo aan ka yareyn ugu yaraan labaatan Wasiir ayaa markii ugu horeysay maalin aan aheyn maalinta ay Shirkooda Golaha Wasiirada ku leeyihiin Xarunta Qasriga Madaxtooyada mar kaliya isa soo dhoobay Gudaha Xarunta Madaxtooyada Somaliland Wasiiradaas, oo intooda badan laga dareemayay Xanshashaq ay dareenkooda ka muuqdey in aanay awood u laheyn la kulnaka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxaanay xuseen

ilo wareedyo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ka heshay gudaha Xarunta Madaxtooyada Somaliland in Wasiiradan intooda badani aanay sigaar ah ula kulmi jirin Madexweynaha kuwaas la Sheegay in aanu u ogolaan jirin kulanka Madexweynaha Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Doraad Salaasadii dalka ka dhoofay.

Wasiirada Wasaaradaha kala duwan ee Maalintii arbacadii ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada si ay ula kulmaan Madexweynaha waxa kamid ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, oo aan isagu ugu badneyn Qasriga Madaxtooyada sidii uu ku ahaan jirey Xukuumadii Madexweynihii geeriyooday ee Marxuum Cigaal, oo uu kamid ahaa Wasiirada kalsoonida ugu badan ka haystey Marxuum Cigaal, waxaana shaley Arbacadii dadweyne Tira badan oo qaarkood yihiin Howlawdeenada Qasriga Madaxtooyadu ku arkayeen Kaamboolka Xarunta Madaxtooyada Wasiiro aad u tira badan oo aan fursad u heli jirin in ay si gooni ah ula kulmaan Madexweyne Axmed Siilaanyo, arintaas oo siweyn loo hadalhayn jirey ilaa Bilowgii dhismaha Xukuumada uu hogaamiyo Madexweyne Axmed Siilaanyo tan iyo intii ka dambeysay Marjkii Chief Of Capinetka loo Magaacaby Wasiirka Xiligan ee Xirsi Xaaji Cali Xasan oo hada u socdaalkay Wadanka Britan.

Dhinaca kale hadalheynta faaqidaada Xukuumada ee Bulshada Reer Somaliland ayaa inta badan soo qaada in aanay Madexweynaha la kulmin Masuuliyiin sarsare oo xilal ka haya Xukuumada iyo Wasiiro uu ku magacaabay Digreeto Madexweyne, walow ay jiraan Wasiiro aan u marin Sida la sheegay markey doonayaan kulanka Madexweynaha Wasiirka Madaxtooyada Xirsi hadana hadalheynta in uu kala badh ka horjoogo kulan ay la qaataan Madexweynaha Golaha Xukuumadu waa mid ay isugu markhaati fureen Shacbiga Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba taas, oo iyaduna cadeyn buuxda u noqneysa Xubnaha Golaha Wasiirada ee shaley Arbacadii xiliyadii barqada ku sugnaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland, oo xanshashaqooda laga dareemayey in muraadkoodu ku siman yahey kulan ay la yeeshaan si gaar gaar ah Madexweynaha Somaliland, ilaa iyo hada lama garanayo asbaabaha kalifey in Wasiir kamid ah Golaha Wasiiradu uu Masuuliyiinta dhigiisa ah ka horjoogsado kulanka ay la yeelanayaan Madexweynaha, iyadoo sida dad badani hadalhayaana ay arintaasi wax badani iska badeleen Todobaadyadii u dambeeyay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:Wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxam Habane

Exit mobile version