WAJAALE NEWS

Wasiirka Waxbarashada Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay In Ka Badan Afar Boqol Oo Arday Oo Ah Ardaydii Ugu Saraysay Sannad Dugsiyeedkan Dugsiyada Nuuradiin.

samsam cabdi adanHargeysa(Wajaale News)- Wasiirada Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Ee Somaliland marwo sam-sam cabdi aaden ayaa Maanta abaalmarino Gudoonsiisay Ardaydii kaalmaha Hore Ka Gashay Sanad Dugsiyeedka 2012-2013 Ee Dugsiyada Nuuradiin.

Munaasibad Loo Qabtay Ardaydaasi kaalmaha Hore Ka Galay Guud Ahaan Dugsiyada Nuuradiin Oo Ka Dhacday Hottel Maan-soor Ee Magaaada Hargeysa Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland
Marwo Sam-sam Cabdi Aaden, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, Sheekh aaden X.maxamuud Xirsi (Sh. Aaden Siiro), Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Nuuradiin Ahna Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin X.mahad Ibraahim Maxamed, Suldaan Axmed-daahir Muuse Cilmi, Maamulayaasha Laamaha Kala Duwan Ee Dugsiyada Nuuradiin, Wax Garad, Dumar, Iyo Dhalinyaro Aad U tiro Badan.

Ugu Horayn Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maamule Ku Xigeenka Dugsiga Nuuradiin Qaybta Wiilasha Ee Jigjiga Yar Sh. Yaasiin Isaga Oo Ku Dheeraaday Ahmiyada Ay Aqoontu U Leedahay Ibnu Aadamka Iyo Sida Uu Qofka Aqoonta Lihi Uga Duwanyahay Qofka Bilaa Aqoonta Ah.

Suldaan Axmed-daahir Muuse Cilmi Oo Isaguna Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Madashaasi Ayaa Mahad Naq balaadhan Usoo Jeediyey Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin Isaga Oo Ku Amaanay Sida Ay Ubadkooda Hiil Iyo Hooba Ula Barbar Taaganyihiin, Kuna Hambalyeeyey Guulihii Is Daba Jooga Ahaa Ee Ay Ardayda Dugsiyada Nuuradin Kasoo Hooyeen Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare.

Waxa Kale Oo Munaasibadaasi Hadalo Dardaaran Iyo Waano Iskugu Jira iyaguna kasoo Jeediyey Sh.aaden X.maxamuud Xirsi (Sh.Aaden Siiro), Suldaan Siciid iyo Agaasimaha Guud Ee Dugsiyada Hoose Dhexe, Iyaga Oo Dhamaantood Si Adag Ula Dardaarmay Ardayda Dugsiyada Nuuradiin Hambalyo Iyo Bogaadina U Diray Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin.

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Madashaasi ka Hadlay Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Nuuradiin Ahna Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin X.mahad Ibraahim Maxamed Isaga Oo Ku dheeraaday Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray Dugsiga Nuuradiin, Sidoo Kalena Faah-faahin ka Bixiyey Dugsi Cusub Oo Imika La Dhisay Oo Hablaha Gaar U Ah Isaga Oo Madashaasi Mahad Naq Balaadhan Ugasoo Jeediyey Shirkada Dahabshiil Bank Oo Uu Sheegay Inay Amaahiyeen Lacagta Lagu Dhisay Dugsiga Cusub Ee Hablaha Gaarka U Ah.

Waxa Kale Oo Madashaasi Hadalo Dar-daaran Iyo waano Iskugu Jira Kasoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland, Md Cali Siciid Raygal Isaga Oo Si Adag Ula Dardaarmay Dhalinyaradii Kasoo Qayb Gashay Munaasibadaasi Kalana Dardaarmay Aafooyinka Tahriibka Ee Waayadan Dambe Saameeyay Dhalinyarada Reer Somaliland.

Geba Gebadii Munaasibadaasi Waxa Soo Afmeertay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Marwo Sam-sam Cabdi Aaden Iyada Oo Amaan Iyo Mahadnaq Balaadhan Usoo Jeedisay Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin Kuna Amaantay Guulihii Lama Taabtaaanka Ahaa Ee Ay Kasoo Hooyeen Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare, waxaanay Madashaasi Shahaadooyin Iyo Abaalmarino Ku Gudoonsiisay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Guud Ahaan Dugsiyada Nuuradiin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version