WAJAALE NEWS

Wasiiradda Qorshaynta iyo Arrimaha Bulshada Oo ka Qayb-Galay Kulan Dhalinyarada Reer Burco Lagaga Wacyi-Galinayay Tahriibta

wasirka qoeshayntaBurco (Wajaale News) Kulan Caawa Loo qabtay Dhalinyarada Magalada Burco ayaa Waxa Lagaga Wacyi-Galinayay Dhibaatada ay Bulshada u Leedahay Tahriibtu.

Kulankani ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasarada Qorshaynta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire.Wasiirka Arrimaha Bulshada Maxamud axmed Bare.Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad.Taliyaha Qaybta Police Gashanle Axmed Xasan C/Raxmaan.arday.Dhalinyaro iyo Marti Sharaf Kale Oo aad u tiro badan.

Ugu Horaynba Waxa Halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Maxamed Muraad Waxaanu

Fahfahin ka Bixiyay Ujeedada Kulankani iyo Waliba Muhiimada Uu Xanbarsan Yahay.

Maayirka ayaa Shegay in Kulankani Ujedadiisu Tahay Sidii Dhalinyarada Gobalka Togdheer Looga Wacyi-Galin Lahaa Dhibatada Ba-an Ee ay Leedahay Tahriibtu.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire Oo isaguna Dhinaciisa halkaasi ka hadlay ayaa Shegay in Loo Baahan Yahay Sidii Loo Da-yarta Looga Wacyi-Galinl lahaa Tahriibta.Waxaanu Wasiirku Shegay inay Xukumad ahaan ay ka Go-an Tahay sidii loo Yarayn-lahaa Dhibatada tahriibta isla Markaasna Loo Samayn-Lahaa Fursado Shaqo Oo Dhalinyarada Loo Abuuro.

Wasiirka Arrimaha Bulshada S/land Maxamuud Axmed Barre Oo Gaba-Gabadii Kulankaasi Soo Xidhay ayaa ka shekeyay Dhibta iyo Silica ay Tahriibtu u leedahay Bulshada.

Waxaanu Wasiirku usoo Jeediyay Dhalinyarada inay ka Fogadaan Dhibatada Tahriibta isla markaasna ay wadankooda Hooyo Aaminaan.

Sidoo kale Waxa Iyaguna Halkaasi ka Hadlay Arday.Dhalinyaro iyo Aqoon-Yahano waxaanay Dhamaantod iftimiyeen Waxyaabaha Sababa Tahriibta iyo Waliba Sida Ugu Haboon Ee Dhalinyarada Looga Waanin Karo Tahriibta.Waxaanay Shegeen in Tahriibta kow ka Tahay Shaqo La-aan Baahsan Oo ay Shegeen inay Wadanka ka Jirto iyo Waliba Qorshe La-aan Dhinaca Xukumada ah Oo ay Tilmameen in Aanay Haba-Yaratee Xukumadu Wax Qorshe ah u Samaynin Dhalinyarada.

Si Kastaba ha ahatee Kulankani Dhalinyarada Lagaga Wacyi-Galinayay Dhibatada Tahriibta ayaan ahayn Kulankii Ugu Horeyay Oo Dhalinyarada Tahriibta Lagaga Wacyi-Galiyo Balse Waxa Jira inay Marar Badan Oo Kale la Qabtay Kulano Noocan Oo Kale ah isla Markaasna Noqday Kuwo Aanay ka Soo Bixin Qorshayaal Laguma Degaalami Karo Tahriibta.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version