Wasiir Warancade, oo la hadlayay qaar ka
mid ah warbaahinta ayaa ku dooday inay ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen dhamaan gacan ku dhiiglayaashii dilalkan geystay si dhakhso ahna sharciga loo hor keeni doono, waxaanu yidhi isaga oo arrimahan sharaxaad ka bixinaya.
Waa dembiyo si caadi ah u dhacay, mana jiraan wax kale oo meesha ku jiraa, wiilkii dhallinyarada ahaa ee u danbeeyay ee Hargeysa lagu dilay, gabadh ayay wada socdeen markii la dilay, kaddibna iyaga oo meel wada taagan ayay kooxdii dhallinyarada ahayd ee dilkan geysatay ay u yimaadeen, had iyo goorna sida qaalibka ah dhallinyaradu waxa ay caadeysteen in ay hablaha qashqashaad ku sameeyaan, dabeedna, Inankii waxa uu damcay in uu Inantii difaaco oo uu ku dagaalamo, kaddibna dhagxan uu dhintay ayay madaxa kala dhaceen oo kaga dhufteen, isla goobtii dilkanni ka dhacayna si degdeg ah ayaanu u tagnay oo ciidamada ayaa markiibaisku gadaamay aagii oo dhan, waxa aanu markiiba gacanta ku soo dhignay afartii wiil ee nabarka dilkan sababay geystay imikana dhamaantood awy xidhan yihiin oo si dhakhso ah ayaa sharciga loo hor geynayaa,?.
Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayay su aal kale oo ahayd waxa dib u dhaca ku keenahad iyo jeer xukunka maxkamadaha ee la saari lahaa tuugta budhcada ah ee dilalka u geysta dadka ayaa yidhi
Waxa aanu rabnaa oo aannu doonnaynaa in aanu shacabka tusno in qofkii dambi geysta ama tuugo ku dila dadka aanu talaabo adag ka qaadno sidii markiiba badhka loo gayn lahaa, waxaana noo socda maxkamada, xeer-illaalinta iyo Wasaarada Daakhaliga, qaabka loogu dhakhsanayo ee loo dedejinayo??.
Sidoo kale Wasiir Warancade,ayaa faahfaahin ka bixiyay dilalka kale ee ka dhacay muddooyinkii u danbeeyay magaalada Hargaysa waxaanu yidhi
Ciidamadeena bilaysku iyo kuwa amaanka ee 999-ku, goob walba waa ay joogaan, laakiin cid baxsataa ma jirto. dilalku way dhacaan laakiin waxa lagu qiyaasaa nooca ay yihiin, markaa noocani waa nooc caadi ah, inanta iyadoo meel maraysa ayay u yimaadeen waxaanay damceen inay ka qaadaan computer iyo mobile ay sidatay nabar ayay ku dhufteen nabarkii ayay u dhimatay tuugtii dilkan geysatayn waa la hayaa, dilkan kale inanka loo gaystay isna lamid ayuu ahaa tuugo ayuu ahaa ragii gaystayna waa lahayaa?
Mar la waydiiyay Wasiir Warancade, waxa ay xukuumaddu ka qabatay illaa iyo hada dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo waxa uu ku jawaabay
?Shaqaaqadaasi magaalada Ceerigaabo way ka dhacday,oo Siddeed iyo Toban qof ayaa ku dhaawacmay, hwshiina way dhamaatay lacagtii caadigeedii ayay u socotay, imikana waxaanu u dirnay Wasiirro si dadkii dhaawacmay iyo cidii nabarada gaysatey arrintoodii loo dhameeyo iyo nin askari ah oo ku dhintay , markaa wakhti xaadirkan Bandoo ma jiro, lakkiin Tobanka habeenimo iyo wixii ka sii danbeeya ciidamada ayaa si aad ah u illaaliya amaanka iyo kala danbaynta, laakiin wakhtiyada kale oo dhan wax waliba si caadi ah ayay u socdaan??.
Wasiirku waxa kale oo uu digniin adag o oculus u diray waalidiinta dhashay carruurta qaswadayaasha ah waxaanu yidhi
?Kiiska kale inan buu ahaa waxaana mobaylkii ku qabsaday niman iyaguna sidaas ayay ku dhimatay, markii ay ku dagaalantay markaas labada kiis ee ugu darnaa imika kuwaas ayay ahaayeen.waana rag dhalinyaro ah oo waliba dhanka hablaha hawlaaasi u badiya,waalidiinta waxaan uga digayaa qaar badan waxay yidhaadaan marka caruurtooda la soo qabto misaajid ayay ku maqnaayeen,inamadiinu misaajid kuma maqnee meel kale ayay ku maqan yahiin, waxaanan u soo jeedinayaa inay caruurtooda guryaha ku haystaan haddii kale marka boolisku haleelo ama sharciga la hor geeyo ee xabsiyo dhaadheer lagu xukumo in aanay ka shalayn ee inta ka horaysa ay masuuliyadooda qaadaan.
Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane