|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Cali Warancade Oo Ka Hadlay Dilalkii Hargeysa Ka Dahacay Muddooyinkii U Danbeeyay Iyo Doorka Xukuumadda, Digniin Culus-na U Diray Waaladiinta Dhashay Carruurta Fidmo-Wadayaasha Ah.
October 7, 2013 - Written by Wariye:
Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayay su aal kale oo ahayd waxa dib u dhaca ku keenahad iyo jeer xukunka maxkamadaha ee la saari lahaa tuugta budhcada ah ee dilalka u geysta dadka ayaa yidhi Sidoo kale Wasiir Warancade,ayaa faahfaahin ka bixiyay dilalka kale ee ka dhacay muddooyinkii u danbeeyay magaalada Hargaysa waxaanu yidhi Mar la waydiiyay Wasiir Warancade, waxa ay xukuumaddu ka qabatay illaa iyo hada dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo waxa uu ku jawaabay ?Shaqaaqadaasi magaalada Ceerigaabo way ka dhacday,oo Siddeed iyo Toban qof ayaa ku dhaawacmay, hwshiina way dhamaatay lacagtii caadigeedii ayay u socotay, imikana waxaanu u dirnay Wasiirro si dadkii dhaawacmay iyo cidii nabarada gaysatey arrintoodii loo dhameeyo iyo nin askari ah oo ku dhintay , markaa wakhti xaadirkan Bandoo ma jiro, lakkiin Tobanka habeenimo iyo wixii ka sii danbeeya ciidamada ayaa si aad ah u illaaliya amaanka iyo kala danbaynta, laakiin wakhtiyada kale oo dhan wax waliba si caadi ah ayay u socdaan??. Wasiirku waxa kale oo uu digniin adag o oculus u diray waalidiinta dhashay carruurta qaswadayaasha ah waxaanu yidhi ?Kiiska kale inan buu ahaa waxaana mobaylkii ku qabsaday niman iyaguna sidaas ayay ku dhimatay, markii ay ku dagaalantay markaas labada kiis ee ugu darnaa imika kuwaas ayay ahaayeen.waana rag dhalinyaro ah oo waliba dhanka hablaha hawlaaasi u badiya,waalidiinta waxaan uga digayaa qaar badan waxay yidhaadaan marka caruurtooda la soo qabto misaajid ayay ku maqnaayeen,inamadiinu misaajid kuma maqnee meel kale ayay ku maqan yahiin, waxaanan u soo jeedinayaa inay caruurtooda guryaha ku haystaan haddii kale marka boolisku haleelo ama sharciga la hor geeyo ee xabsiyo dhaadheer lagu xukumo in aanay ka shalayn ee inta ka horaysa ay masuuliyadooda qaadaan.
Wajaale News Related posts:Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kir... DAAWO :Mulkiilaha Dahabshiil Oo Madal Ay Fadhiyeen Xubnaha u Sareeya Xukuumada Somaliland Ka Cadeyst... Abwaan Laabsaalax oo Weedho Dareenka Bulshada Kiciyay Ka Jeediyay Bandhig Suugaaneedkii Abwaan Abees COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|