WAJAALE NEWS

War Deg Deg AH Qarax Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo & Isgaarsiinta Oo Hawada Laga Saaray.

kismaayoKismaayo(Wajaale News)-Qarax xoogan,ayaa maanta waxa uu ka dhacy Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Iyadoo dhinaca kalana hawada laga saaray Isgaarsiintii guud ee Magaalada.

Qaraxaan oo si weyn looga maqlay inta badan Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Farjano. Gaar ahaan ilinka hore Dhisme ay ku shiraan Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka.

Qaraxa ayaa waxa uu dhulka soo dhigay geed guriga ku yaala, ka dib markii la sheegay in horey qaraxa loogu sii diyaariyay geedka hoostiisa.

Waxaa aad u adag in xog dhab ah laga helo khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxaan. Kadib markii hawada laga saaray Isgaarsiinta guud ee Magaalada Kismaayo.

16-kii bishaan August ee sanadkaan, ayay ahayd markii xaafadda Farjano lagu dilay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed. oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka..
Wararka Wixii Ka soo kodha kala soco wajaale news
Wajaale News
Hargaysa Office
wajalenews@gmail.com

Exit mobile version