Qof ka mid ah rakaabkii ku safray diyaaradaha shirkada mid ka mid ah ayaa argagax ka qaaday, Dirxi uu ku dhex arkay, Saan wiij (Sandwich), intii uu duulimaadka ku jiray la siiyay.
Qofkan rakaabka ah oo u kala safrayay New York ilaa New Delhi ayaa maamulka shirkada ku war galiyay wixii uu arkay, isla markii diyaaradu la soo fadhiisatay, laakiin wax jawaab ah lama maqal sida ay ku warantay jariirada Press Trust of India.
Waanu baadhaynaa shilkaas naxdinta leh, ee aan caadada u ahayn shirkadayada iyo adeegyadeeda ay bixiso oo ah kuwa ugu caalamisan, uguna nadaafada wanaagsan, waana dhacdo aad u kooban oo sida ay ku dhacdaa adag tahay.] sidaa waxa tidhi afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha India oo lagu magacaabo, Prasad Rao.
Hargaysa Office
Wajaale News
Info;wajalenews@gmail.com