WAJAALE NEWS

“Sharciga Xirsi U Baneeyay Cafimaadka Siilaanyo Waa Lagu Dacweyn Karaa”.Af-hayeenkii Hore Madaxtooyada

Hargeysa (WJN) – Af-hayeenkii hore madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “ Xuseen Dayr”  ayaa waxa uu ka Hadley buuga muranka badan ka dhex abuuray bulshada ee uu qoray hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa uu sidoo kale Xuseen Dayr uu si adag u duray buuga uu hogaamiye Xirsi qoray oo uu qaybo ka mid ah kaga Hadley Caafimaadka Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo.

Dhinaca kale Xuseen Dayr ayaa waxa uu sheegay in cid kasta oo dhibsatay qoraalada ku qoran buuga uu qoray hogaamiye Xirsi ay ku dacwayn karto.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version