WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Gudida Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye Iyo Muuse Biixi Oo Waayo Aragnimo Siyaasadeed U Sheegtay Wasiir Xirsi

Hargeysa (Wajaale News) Guddoomiyaha Xisbiga Taladda dalka Haya ee Kulmiye ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye.
Magacaabista Guddidan oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay, ayuu caawa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiiye kulan uu ku ogeysiinayo qasriga Madaxtooyadda Kula Yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddida qaban qaabadda ee uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye magacaabistooda ka soo talo geliyay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayuu garawshiiyo uga helay, waxaana warar ka ag dhawaa kulankaasi caawa ka dhacay Qasriga

Madaxtooyadu ay hadhwanaagnews u sheegeen in uu madaxweynuhu ugu hal celiyey in uu u madax banaan yahay.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen hogaanka kulmiye, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo wasiirka madaxtooyadda, ayaa waxa kulanka oo gabogabo ku dhaw weedh ku darsaday Wasiirka madaxtooyadda oo isagu sheegay in xubnaha guddida qaban qaabada ay ka maqan yihiin beelo reer Somaliland ahi, balse guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa u sheegay in aanu awood u lahayn ka hadalka guddida qaban qaabadda, hadii laga tagi waayana lagu soo buuxin doono kaalmaha beelaha uu magac dhabay, magacyadda xubnaha beesha wasiirka kaga jira.

Magacyadda guddida qaban qaabadda shir-weynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa waxa la sheegayaa in ay falaadh siyaasadeed ku noqotay xubnaha aan la aragtida ahayn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Maaliyadda oo hal awr wada saaran.

Si kastaba ha ahaatee shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa la filayaa in uu dabayaaqada sanadkan ka qabsoomo dalka, kaas oo lagu dooran doono Guddoomiyaha xisbigaasi iyo murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee doorashooyinka soo socda.

Ilaa hadda guddoomiyaha xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa hankiisa siyaasadeed ka badheedhay, halka Wasiirka maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ku xidhay hankiisa oo dhan damaca Madaxweynaha, kaas oo uu hore warbaahinta uga sheegay in uu ka dhursugaya madaxweyneha.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version