WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Kenya Oo Weerarkii Hubaysnaa Ee West Gate Ka Dib Ku Dhawaaqay In Uu Dalkiisu Qaadayo Weeraro Dibedeed.

madaxwaynaha kenyaNairobi(Wajaale News) -Madaxweynaha dalka Kenya Mr Uhuru Keneyatta  Ayaa  markii ugu horaysay shaaca ka qaaday tan iyo weerarkii foosha xumaa ee bishii hore lagu qaaday goobtii ganacsi ee west Gate  in dalkiisu  uu  qaadayo weeraro  kaas oo uu ka fulinayo meelo ka baxsan gudaha Kenya oo dibadda ah si loo badbaadinayo  ayuu yidhi shacabka dalkayga.

Madaxweyne Uhurru, waxa uu sheegay in dawladda Kenya u xil ka saarantahay  sidii loo sugi lahaa amaanka gudaha ee Keya isla markaana anay  u dulqaadan Karin in dalkiisa debeda lagaga soo qaado weeraro argagixiso.

Madaxwayne Kenyatta ma uu cayimin goorta uu weeraradan dibadeed ee lagu difaacayo amaanka gudaha ee dalkiisa uu qaadayo iyo cida uu ku qaadayo, balse waxa uu dhadhamayaa hadalkiisu in ay bar-tilmaamedsan doonaan xarakadda Al-Shabaab, oo sheegatay masuuliyadda weerarkii hubaysnaa ee ay ku dhinteen 67 qof ee lagu qaaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall, ee ku taalay badhtamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version