WAJAALE NEWS

Munaasibada Lagu Xusayay Maalinta Loo Aqoonsaday Maalintii Xasuuqa Shacabka Reer Somaliland Ee Ay U Gaysatay Dawladii Maxamed Siyaad Bare Oo Xalay Lagu Qabtay Hargeisa

Hargeisa(wajaalenews) Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland,Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka,Siyaasiyiin Ka Socda Madaxda Qaranka,Guddida Baadhista Xasuuqa Iyo Gudiyo Kala Duwan Ayaa Ka Soo Qayb Galay Munaasibada Lagu Xusayay Maalinta Loo Aqoonsaday Maalintii Xasuuqa Shacabka Reer Somaliland Uu Kula Kacay Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare Taas Oo Loo Asteeyay Maalinta 3-Da Bisha Jun Masuuliyiintii Sar Sare Ee Madaxwaynaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku Ka Mid Ahaa Ayaa Ka Muquurtay In Ay Kasoo Qayb Galaan Munaasibada Lagu Xusayay Dadkii La Xasuuqay Ee Ku Dhaqnaa Gobolada Waqooyi Oo Xiligaas La Odhan Jiray Maanta Layidhaa Somaliland,

waxaa munaasibada xalay loogu duceeyay dadkii sida isir gumaadka ah u laayay kaligii taliskii Maxamed Siyaad Bare,waxaana munaasibadaas lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya xasuuqii

Guddoomiyaha guddida baadhista Xasuuqa somaliland Khadar Axmed Like oo furitaankii munaasibada hadal kooban kasoo jeediyay ayaa ka waramay xasuuq yadii ka dhacay wadanka somaliland siday u dhaceen kasoo oo si qiiro leh faah-faahin uga bixiyay kuna dheeraaday maalinta waxa ay umadan u tahay shacabka reer somaliland waxaana uu yidhi”

“Sababta maalinta 3da juun loogu asteeyay maalinta xasuuqa somaliland,kolay gudi badan ayay waraysteen waxaana ay u qaateen in maalinta loo aqoonsadao maalinta xasuuqii ka dhacay wadanka somaliland,3da juun waxa ay ahayd maalintii dadkii ugu badnaa la xasuuqay inkasta oon hadan tiradoodu si rasmi ah loo hayn hadana waxa lagu qiyaasaa Konta Kun Oo Qof,sida loogu aqoonsadayna waa sidaas.

 

Dhinac kale guddoomiyaha xasuuqa waxa uu sheegay in cadaymo badan lahayo oo lala xidhiidhinayo sidii arxan darada ah ee loo xasuuqay dadkii shacabka ka ahaa waxaana uu yidhi””

“waxaanu haynaa muuqaalo duuban qoraal iyo dad hada nool oo mar khaatiyaal ah,waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan inta ay ka gaadhayaan xaqiida dhabta ah ee dadka la xasuuqay,waxa kale oo uu ka shekeeyay xabaalo wadareedyo badan oo lasoo faqay qolfoofkii dadkii lagu xasuuqay oo dhakhaatiir caalami ahi baadhitaan ku sameyeen waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay gudidu tageero iyo awoodba u hesho sii wadista hawshaas Culus loo xaqiijin lahaa.

 

Sidoo kale waxa isna munaasibada hadalo kasoo jeediyay mujaahid Maxamed Xaashi cilmi oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyada somaliland isla markaas ka tirsan imika golaha lagu magaca daray madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland waxaana uu faah-faahin ka bixiyay sidii somaliya looga goostay oo uu ku sifeeyay xasuuqii ka dhacay wadanka somaliland”

“sababta aynu u goosanay waxa ay ku xidhnayd inta badan xasuuqii ka dhacay wadanka,wixii inaga gaadhay wixii laynaga dhacay kol kaas waxa weeyaan in maalintaas la wayneeyo oo lasiiyo waxa ay mudan tahay maalintani,waxaana fiican in la xasuusto dadkii inaga dhintay kuwii inaga dhaawac may maalinta iyo ubadkii ku agoomoobayba, in la xuusto ayaa waajib ah lakiin waxa nasiib daro ah in ay ka muquurteen masuuliyiintii xukuumada ugu mudnaa oo aan kasoo qayb galin waana wax laga naxo.

 

Mujaahid Maxamed xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”waa waajib ina saraan dadkani waxa ay u dhinteen oo ah waxa aynu maanta dalka ku joogno oo ah nabada,waana waxa lagu yahay madaxwaynaha, waaan waxa lagu yahay wasiirka waana waxa aynu xoriyada u haysano ee dalkii maanta aad arkayso nabada ka islaaxday,waxaana loo baahan yahay dadkii u dhintay in loo sameeyo meelo lagu xasuusto geesiyaashii naftooda u huriya somaliland, inta joogtana nolol fiican ay ku noolaadaan.

Sidoo kale waxa isna munaasibada hadalo kasoo jeediyay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland DR Sacad Cali Shire waxaana uu nasiib daro soo wajahad ku tilmaamay masuuliyiinta qaranka somaliland ee ka muquurtay in ay yimaadaan munaasibada lagu xusayo maalinta loo asteeyay xasuuqii ka dhacay somaliland waxaana uu yidhi”

 

“Umada waliba waxa ay xustaa tariikhdeeda maalintanin waa maalin ka mid ah maalmaha aynu xusno tariikhudu way is qortaa waxaana nasiib daro ah in ay masuuliyiintii mudanaa in ay kasoo qayb galaan xafladan ay ka muquurteen waxa ay ahayd inuu yimaado madaxwaynaha inuu yimaado guddoomiyaha baarlamaanku,Tariikhduba waxa ay noqon kartaa halgan guulaystay mid galay tariikhda madaw maalmo la xusuusto waxaana fiican in lagu daro man-hajka waxbarashada somaliland si ay jiilka danbe ee soo socdaa waxa uga bartaan tariikhda ay geesiyaashii somaliland usoo mareen xoraynta dalka somaliland,dal waliba waxa uu ku faanaa tariikhdiisa

Waxa sidoo kale munaasibada soo gunaanaday wasiirka wasaarada cadaalada jamuuriyada somaliland xuseen axmed caydiid waxaana uu ku nuux-nuux saday kaalinta ay xukuumada uu hogaamiyo madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ka qaatay buuxinta kaalinteeda kaga aadan waxaana uu yidhi”

“runtii waxa aynu xusaynaa maalin qaran oo shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan xasuusan yihiin,waana saddexda juun ee lagu calaamadiyay 1988 maalintii 3dii juun waxaana ay ahayd maalin jimce ah waxaana jimcihii xigay soo galay Ururkii SNM Magaalada burco 27kii may oo ahayd maalin jimce ah labaadaas jimce waxa u dhaxmeeyay laba dhacdo oo waawayn oo ahayd Qabsashadii jeelkii waynaa 12nad ee cadaalada waxaana ku xigtay soo galitaankii magaalada hargaysa oo Iyana 31kii may ahayd waxaana uu todobaadkaasi uu ahaa wiigii uu gariir badnaa.

Wajaalenews.net

 

Hargeisa/office

Exit mobile version