WAJAALE NEWS

Madashii wada tashiga iyo toosintu waxay heleen tubtii toosneyd ee loo tilmaami lahaa taladii qaranka ee taraartey

Waxaa aynu ka wada dheregsanahay marxalada guud ee maanta uu dalku maraayo iyo in milgihii iyo midnimadii qaranimo ay luntey oo meesha ka baxdey. Waxaanu si mug-leh u-soo dhaweyneynaa oo u-taageereynaa muwqifka ay Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku ay iska taageen ee ay ku wareejiyeen shir-weynihii wada-tashiga qaranka in ay la wareegaan oo ay qabtaan shirweynihii loo balamey xisbiyada mucaaradka ee qaranku, maa-daama ay xisbiyada mucaaradku ay iyagu liisan buuxa oo mucaaradnimo oo 10 sanadood ah ay u-haystaan si ay u-tilmaa-maan oo tubta toosan ugu toosiyaan xukuumadeena taraartey ee turun-turootey ee toobiyihii cadaa seegtey.

Hadaba su’aasha la is weydiinayaa waa – maxaa laga wada tashanayaa?? Qaar ka mid ah qodobada laga dhawaajiyey ee muhiimka ah in laga wada tashado oo meel lagu tiiriyo waxaa ka mid ah qodobadan hoose;

1- Golihii wakiilada oo waqtigoodii dhamaadey oo noqdey Xildhibaano uu xaalkoodii noqdey xin,shaqsi-jecleysi, xujo iyo xoolo aan bireysneyn oo la xuuraamiyo.
2- Golihii Guurtida oo waqtigoodii dhamaadey oo badankoodii ay noqdeen ” Laa-yaqra-Walaa-yaktub” aan akhrisan karin xeerarka iyo mooshinada la hor-keeno iska daa wax ay wadanka ku soo kordhiyaane.
3- Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo aan ilaa go’aanadii maxkamadaha la fulineyn. waxaa aan iyana loo adkeysan karin iyada oo xukuumadu si joogto ah oo xaq-daro ah u-shaqaaleysiisa duul aan kala garaneyn hantidii qaranka, sharciyadii qaranka iyo awoodihii qaranka.
4- Waxaa u-baahan in laga wada hadlo oo maanta ummadda S/land u-cadaatey oo ay indhahooda ku arkeen iyada oo Hantidii ummadda iyo Awoodihii dawladnimo loo isticmaalaayo in lagu wax yeeleeyo oo lagu fur-furo oo lagu kala qeybiyo midnimadii, wadarnimadii,walaaltinimadii iyo wax-wada lahaanshihii ka dhaxeeyey shacabka walaalaha ah ee reer S/land, iyada oo welibana lagu cabudhinaayo awoodii dawladnimo Saxaafada xorta ah ee S/land
5- Waxaa wadanka ku noqdey dhiig-bax aanu ka soo kaban karin oo u-baahan in laga wada tashado Dhaqaalaha Malaayiinka ah ee wadanka ka soo gala kheyraadka dabiiciga ah sida sahaminta shidaalka, macdanta iyo liisamada la siiyo shirkadaha iyo maraakiibta ka kaluumeysta badeena, taas oo si gaar ah loogu tagri falo oo loo lunsado oo aan khasnada dawlada ku soo dhicin iyada oo weliba wixii heshiisyo lala galey shirkadahaana aan la soo hordhigin hayadihii ku shaqada lahaa si ay muraadkooda uga gutaan.
6- Dhimashadii, dhaawicii, diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii ay inagu reebtey Doorashadii xaqdarada iyo xaaraanta ku dhamaatey ee golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 oo weli inoo huursan oo aan waxba la iska weydiin.taas oo ku dhacdey sife xaaraan ah oo xukuumadu ay boobtey ilaadadii iyo foodkii shacabka. markaa waa in laga wada tashadaa sidii dib la isugu aamini lahaa doorashooyinka isbarkan ee ka culeyska badan doorashadii golayaasha degaanka ee fooda inagu soo haya.
7- Nabadgelyo darada iyo arimaha cakiran ee gobolada bariga S/land waa in laga wada tashaadaa oo xal sugan loo helaa.
8- Waa in laga wada tashadaa heshiisyada aan loo dhameyn ee lala gelayaalo Somaaliya oo iyadu sheegata in ay dhamaan Soomalia xukunto min Raas-kaanboodi-ilaa Raas-xaafuun oo S/landna ay ku jirto.
9-Waa in laga wada tashadaa xeerarka badan ee dastuurka qaranka ee wada qabyada ah ee ku soo wada dhamaanaaya xeer ayaa qeexaaya waa in meel la isla dhigaa qabyo tirkaa xeerarka dastuurka ee golaha wakiiladu ay gabeen ee ay ka gaabiyeen.
10-Waxaa u-baahan in laga wada tashado Xukuumadeena dhinaca ka raran ee ay beesha dhexe isku koobtey mansabyadii duxda iyo iidaanka lahaa.
11- Waxaa u-baahan in laga wada tashado Nabadgelyada guud ee qaranka oo aad hoos ugu dhacdey iyo siyaasada arimaha debeda ee wadanka oo madhaleys noqotey 3-dii sanadood ee la soo dhaafey bal-sidii looga dhalin lahaa ukun ama beed yar oo rajo ictiraaf inoo dilaaciya.
12- Waxaa u-baahan in laga wada tashado dhamaan xeerarkii shaqo abuurka ahaa oo ay u-heshiiyeen Xukuumada iyo golaha wakiiladu oo ay miiska hoostiisa geliyeen waxaana ka mid ah xeerarkaa xeerka batroolka, tamarta iyo macdanta, xeerarka maalgashiga iyo baabanka ganacsiga.IWM.
13- Waxaa u-baahan in laga wada tashado tahriibta iyo shaqo la’aanta ragaadisey dhalinyaradii iyo haldoorkii mustaqbalka ee wadanka.
14- Waxaa u-baahan in laga wada tashado habka aynu qaadaney ee ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen in aynu deysano in aynu bedelno
15- Waxaa u-baahan in laga wada tashado kuraasta baarlamaanka ee xildhibaana ku soo baxayo 1000 cod midna ku soo baxey 15,000 ee cod.
16- Waxaa ku haboon in laga wada-tashado sidii kuraas loogu kooteyn lahaa Haweenka wadanka iyo dadka laga tirada badan yahay oo labaduba dulman.

Waxaanu ka rajeyneynaa xisbiyada mucaaradka ah in ay kaalintii ay gabeen ka soo baxaan oo ay sida ugu dhakhsaha badan ay ugu dhawaaqaan oo u-mudeeyaan waqtigii la qaban lahaa shir-weyne qaran oo ay dhamaan u-dhan yihii qeybaha bulsha ee S/land, shirkaas oo noqon doona dood cilmiyeed mug leh oo lagu lafo guri-doono laguna dersaayo xal-u-helidii dhamaan dhiilooyinkaa, dhibaatooyinkaa iyo caqabadahaa cakiran ee isdul-barkan ee ina horyaala ee aan kor kaga soo wada dhawaajiyey si xal-kooda loo helo oo ay usoo noqoto milge iyo midnimo qaran oo lagu kalsoon yahay.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Abdirahman Mohamoud
fidhinle@aol.co.uk
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Exit mobile version