Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray dalka Qatar. Waddamadaas waxa ka mid ah Sucuudiga, Baxrayn, Masar, UAE, Liibiya, Maldives iyo Yaman. Dalalkani waxay Qatar ku eedeeyeen in ay taageertay kooxaha mayalka adag ee loo yaqaan argagixisada, in ay fara-gelin ku samaysey arrimaha gudaha ee dalalkooda iyo in ay si dhow ula xidhiidhay dawladda Iran.
Dhanka kale, Qatar waa ay iska diidey eeddaas, waxayna ku doodday in ay kaalin buuxda ka geysatey dagaalka Mareekanku hoggaaminayo ee lagaga soo hor-jeedo ISIS. Sidoo kale, Qatar waxay difaacdey xidhiidhkeeda ay la leedahay Iran, waxayna sheegtey in Iran tahay ‘xoog saamayn leh oo aan la iska indho-tiri karin’
Haddaba waa maxay sababtu, maxay yihiin arrimaha hoose ee la isku diidey, maxaase dhacay ama dhici kara?
Gogol-dhig
Sida aynu la soconno dawladaha Islaamka ah ee Bariga Dhexe iyo badi dawladaha ah quwadaha waaweyni dalka Sucuudiga waxa ay u arkaan hormuudka siyaasadeed, diineed iyo quwadeedba, sidaa marka ay tahay, dawladaha aynu kor ku sheegney ee carbeed waxay Sucuudiga u hibeeyeen hagidda siyaasaddooda Arrimaha Dibedda, siyaasaddaas waxa ugu horeeya: qorshaynta xidhiidhka lala yeelanayo waddamada Iran iyo Israel, qorshaha lagu wajahayo xidhiidhka quwadaha waaweeyn, kooxaha taageerada loo fidinayo IWM, arrimahan ayay dawladahaasi dhammaantood kala aragti yihiin dawladda Sucuudiga.
Sucuudiga iyo Iran
Dawladda Sucuudigu waxay dalka Iran u aragtaa khatar ka dhan ah danaha Sucuudiga iyo xulafadiisa ee dhinac kasta oo ay ku jiraan: ammaanka dawladaha carbeed, saamaynta gobolka iyo sarraynta Mad’habta Sunniga. Labada dawladood (Iran iyo Sucuudiga) waxa dhexdooda yaal khilaaf taariikhi iyo diiniba ah oo dhinacyo badan, iyada oo labada dal mid kastii taageero u fidiyo kooxaha la fekerka ah, dagaaladaasi waa kuwo ka socoda gobolka intiisabadan, sida: Syria, Yemen, Lebanon iyo Ciraaq. khilaafkan ayaa marmarka qaar lagu tilmaamaa ‘Dagaalkii qaboobaa ee bariga dhexe’, wuxuna leeyahay saamayn dhaqaale, juquraafiyadeed iyo mid mad’habeed
Siyaasadda iyo Saamaynta Qatar
Qatar oo ah dal yar oo oo qani ah oo Sunni ah, waa dal aad ugu dedaala in uu yeesho madaxbannaani siyaasad-dibedeed, waxayna xoogga saartaa in ay danta dalkooda ka horeysiiyaan wax kasta oo kale. Waxay isu-qabaan in ay leeyihiin awood ay ku saamayn karaan gobolka Bariga Dhexe iyo adduunkaba. Waxay ku dedaalaan siyaasad furfuran oo ku-dhac leh. waxa ay xuduud la wadaagaan Sucuudiga, waxayna ka mid yihiin ururka GCC ee ay ku midaysan yihiin Waddammada Gacanka Carabtu. Dalka Qatar waxay maal-gelisaa Televisionka Aljazeera oo ah mid ka mida kuwa ugu daawashada iyo saamaynta badan adduunka
Qatar waxa deggan oo saldhig ku leh Dalka Mareekanka, iyaga oo marti geliyey 10,000 oo askari iyo Xarunta maamulka Dhexe ee Ciidanka Mareekanka ee loo yaqaan Central Command. Qatar waxay xidhiidh dhow la leedahay Dawladda Iran, xidhiidhkaasi waxa uu koobsadaa dhaqaale, siyaasad, istaraatijiyad iyo ammaanba. waxa xusid mudan in xidhiidhka Qatar la leedahay Iran uu fure u noqday wada-xaajooddo badan oo qaarkood la isku dhaafsaday maxaabiis ay kala qabsadeen kooxaha dagaalka mad’habeed ku diriraya Bariga Dhexe iyo kooxaha kale ee dagaallada siyaasadeed isku horfadhiyaaba.
Dhanka kale, iyada oo ay Qatar tahay xarunta martigelisa Ciidamada Mareekanka, waxa sidoo kale xafiis ku leh Taliban, waxana caasimadda Qatar ee Doha jooga qaar ka mida madaxda Taliban ee ugu sareeya, kuwaas oo adduunka oo dhami baacsanayo; si loo soo qabto, loona maxkamadeeyo, ujeeddada ugu weyn ee xafiiskaasi waa in la helo marin loo maro Taliban haddiiba ay dunidu rabto in ay la xaajooto, waana kaadh gorgortan oo qaali ah oo ay gacanta ku haysato Qatar. 2016 waxa magaalada Doha ka dhacay wada-hadal loogu magac-daray “Wada-xaajoodkii Qatar” waxa isku soo hor-fadhiisktay Mareekanka, Pakistan, Taliban iyo Afghanistan, waxana laga wada hadlay ammaanka iyo nabadda Afganistan, halkaas oo ay Taliban ku dhiibatey dalabaad ay ka mid ahaayeen in loo sii daayo maxaabiis ka xidhan iyo in qaar ka mid ah madaxdeeda laga saaro liiska madow ee Qarammada Midoobey. waxa kale oo la xaqiijiyey in xafiiska Taliban ee ku yaal Qatar uu fududeeyey is-dhaafsi maxaabiis ay dagaal ku kala qabsadeen Mareekanka iyo Taliban, inkasta oo arrimahaasi ahaayeen kuwo si hoose loo dhammeeyey haddana waxay ku tusaysaa saamaynta Qatar iyo xeel-dheeraanteeda dawladnimo. Intaas waxa dheer, Waagii dhoweyd ee uu socdey Kacdoonnadii Carabta ee loo yiqiin “Guga Carabta” dawladda Qatar waxay taageero aan qarsooneyn u muujisay koox diimeedka siyaasiyiinta ah ee “Ikhwaanul Muslimiin” kuwaas oo kacdoon dheer kadib qabsaday dalka Masar, Qatar waxay taageertay dedaalkii uu dalkaa ku qabsaday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi.
Mar kale, Dawladda Qatar waxay xidhiidh laba-geesood ah la leedahay dawladda Israel ee ay colka yihiin Carabta kale. Aynu xusno in dhowaan markii Qatar ku guulaysatey in ay koobka Kubadda Cagta ee adduunka marti-geliso 2022ka Israel iyo Qatar waxay si wada-jir ah u dhisteen Garoon kubadeed oo loogu magac-darey caasimadda Qatar loona bixiyey “Doha Stadium” kaas oo laga dhisay magaala-Carbeedda Sakhnin ee Gobolka Galilee ee waddanka Israel. Bogga kale, sida laga helay ilo Lubnaaniyiin ah, dawladda Qadar waxay dhowaan dagaallada Yemen ka socda ka soo samata-bixisay kooxo asal ahaan Yuhuud ah, basle Yamaniyiin ah oo dagaallada meeshaa ka socda ku xannibmey, waxay u soo daad-gureysey Doha, kadibna waxay u sii gudbisey Israel, xidhiidhadan iyo kuwa kale ee dhex mara labada dal waxay ku tusayaan isku-dhowaanshaha labada dhinac; iyada oo sidaas ah, haddana Dawladda Qatar waxa marar badan ka cawday Israel isla markaana ku eedeeyey in ay maalgeliso kooxda Xamaas ee dagaalka ba’ani ka dhexeeyo Israel. Arrimahan ayaa dawladda Qatar ka dhigaya dal xeelad fog, lehna isku-wadka arrimo kala durugsan.
Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Qatar waxay u muuqataa dawlad leh xirfad iyo xidhiidho diblomaasdawladdeed oo dubaalad dheer, dalal badan oo ay ugu horeeyaan xulafada Sucuudigu waxa la ay la yaabban yihiin dalkan yar ee carbeed ee aan la saadaalin karin, Dawladda Sucuudiga iyo xulafadeedu waxay Qatar u arkaan dal aan iyaga u qabsoomin, lehna qorsheyaal siyaasadeed oo kuwooda ka duwan iyo madaxbannaani siyaasad-dibedeed, isla markaana aan la odorosi karin, Waa sababta marar badan aad u maqasho dhacdooyin diblomaasiyadeed oo taban oo ka dhex-qarxa Qatar iyo huwanta Carbeed ee kale, iyaga oo marmarka qaar gaadha in ay si taban u wada hadlaan. Dhowaan ayay ahayd markii uu Safiirka Sucuudiga u fadhiya Washington uu boggiisa Twitterka ku qoray “Qatar waa wax aan ka badnayn 300 oo qof iyo TV channel”
Ugu danbeyntii, iyaga oo arrimahaas oo dhan ka duulaya ayay 5tii June, 2017 Xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ayaa bilaabay tallaabooyin culeys siyaasadeed saaraya dalka Qatar; sife ay wax uga bedesho siyaasaddeeda dibedda, waxayna Saudi Arabia, the UAE, Yemen, Egypt and Bahrain xidhiidhka u jareen Qatar, waxayna amreen in:
– Muwaadiniintooda ka soo baxaan Dalka Qarar,
– In muwaadiniinta Qatar ee waddamadan joogaa ay muddo laba usbuuc ah kaga baxaan waddamadaas
– Dhammaan diblomaasiyiinta Qatar ee jooga waddamadaas in ay 48 saacadood kaga baxaan waddamadaa
– Sidoo kale dhammaan diblomaasiyiinta waddamadaasi in ay in ay Qatar kaga soo baxaan muddo laba maalmood ah.
– Qatar laga saaro xulafada dalka Yaman ee Sucuudigu Hoggaaminayo
– La joojiyey duulimaadyadii Gulf Air, egyptair, Emirates, flydubai, Air Arabia, Saudi Arabian Airlines and Etihad Airways ay ku tegi jireen ama kaga iman jireen Qatar
– Egypt, Saudi Arabia, iyo United Arab Emirates waxay hawadooda ka mamnuuceen in ay maraan diyaaradaha Qatar
– Televisionka Aljazeera oo laga leeyahay Qatar ayaa laga mamnuucay waddamadaas qaarkood
– Xadka u dhexeeya Sucuudiga iyo Qatar ayay dawladda Sucuudigu Xidhay.
– Sidoo kale la joojiyey dhammaan doonyaha iyo maraakiibta sita calanka Qatar in ay ku soo xidhaah dekedaha Sucuudiga iyo Imaaraadka iyadoo la filayo in dhowaan kuwa kalena joojiyaan
Dawladda Qatar waxay tallaabooyinkaas uga fal-celisey si taxader leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa arrinkaas Ganafka ku dhuftay, wuxuuna ku dooday in “tallaabooyinkaasi aanay ahayn kuwo aan laga fiirsaday, isla markaana ku dhisan warar aan sal iyo raad toonna lahayn” Wasiirku waxa uu sheegay in waddamadaasi ku xad-gudbayaan madaxbannaanida Qatar, wuxuu kale oo sheegay in hadallada naxliga leh ee ay dawladahaasi ka gudbinayaani yihiin kuwo si qorsheysan loo been-abuuray.
Inkasta oo Qatar ay joojisay in duulimaadyadii Qatar Airways ku tegi jirtey Sucuudiga haddana waxa muuqata in ay arrinka u wajahayso si kooban, isla markaana aanay dooneyn in ay qaaddo dhabaha caaddifaddu ka muuqato ee ay dalalka kale qaadeen, taas waxa daliil u ah in dawladda Qatar sheegtay in aanay dalkeeda ka eryi doonin 300,000 oo shaqaale Masaari ah oo ka shaqeysta.
Fal-celinta Dawladaha kale.
Mareekanka: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareekanku waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in “la wada fadhiisto, arrimaha lagu kala duwan yahayna la xallilo” wuxuu wasiirku sheegay in aanu filaynin in arrinkani saamayn weyn oo taban ku yeelan doono gobolka. Sidoo kale, Major Adrian J T Rankine-Galloway waxa uu sheegay in aan Mareekanku qorshaynayn in ay wax-ka-beddelaan xidhiidhkooda Qatar.
Turkey waxay ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin khilaafkaas, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in “midnimada Dawladaha Gacanku tahay midnimada Turkiga” waxa ay ku baaqeen wada-hadal.
Pakistan waxa ay sheegtey in kasta oo ay Sucuudiga yihiin xulafo dhow, haddana in aanay jari doonin xidhiidhka ay la leedahay Qatar.
Russia waxay tidhi “ruushku ma fara-gelin doono arrimaha gudaha ee dalalkaas, balse waxanu rajeyneynaa in aan arrinkani wiiqi doonin dagaalka lagula jiro argagixisada”
Iran waxay ku dooday in waxa aynu daawanaynaa tahay “qaybtii ugu horeysey ee maxsuulka Jaaskii Seefaha” Wasiirka Arrimaha Dibedda Javad Zarif waxa uu Twitterkiisa ku qoray “Derisku waa wax aan guureyn, Juquraafiguna waa wax aan la bedeli karin; Sidaa awgeed, Khasabku xal ma aha ee wada-hadalka ayaa dhaama, weliba xiligan Ramadaanta ah ee barakaysan”. Dhanka kale, Iran oo u muuqata in ay aragto fursad saaxiibtinimo oo ay ugu weyntahay mid ganacsi iyo iyada oo isla markaana xaradhaaminaysa quluubta Qatariyiinta, kana shaqeysiineysa fekreddii ahayd “haddaad dooneyso in aan qof ku illaabin is barbar-taag xiliga dhibka” ayaa arrinkan ka fal-celisay; Guddoomiyaha is-kaashatada beeraleyda wax dhoofisa Mudane Reza Nourani ayaa yidhi “Shixnadda ugu horeysa ee cunto ah waxanu Qatar ku gaadhsiin karnaa 12 saacadood”
Si kastaba noqotee, Dhinac waxa ah, Qatar oo isu aragta in ay tahay jile siyaasadeed oo leh saamayn gobol iyo mid caalami ah oo wax-ku-ool ah, dhinaca kalena waxa jooga Sucuudiga oo Qatar u arka dal yar oo carbeed oo ku caasiyoobey, isla markaana doonaya in uu soo hoggaan baro. Haddaba, waxa dhowaan la filayaa in cadaadiska waddamada carabtu sii socdo, balse wada-hadallada ayaa mar walba haysta fursad iyo daaqad furan.
Dhammaad
Abdirashid Jeeni
Falanqeeye, Xidhiidhka Caalamiga ah
Hargeisa, Jamhuuriyadda Barakaysan.
ajeeni@hotmail.com