Qormooyin Taxane Ah Oo Diirada Ku Saarayno Kala Duwanaanshaha Hogaamineed Ee Madaxwayne Siiraanyo,Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan , Madaxwayne Rayaale Iyo ALLE Ha U Naxariistee Marxuum Cigaal Iyo Sheesh Ibraahin
Qormadii 1aad
Qalinkii Subeer Daahir
Kartida iyo Hogaamintu waa galad Eebee Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxwaynihii Hore ee S/land Maxamad X Ibraahin Cigaal 3/5/2002 waxaa siduu Distoorku dhigayay Shir Gudoonka Golaha Guurtida oo Sh Ibraahin horkacayaa si dhakhso ah xillkii ugu wareejay Madaxwayne ku xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin waxaana xusid gaara mudan in Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Madaxwayne Cigaal aanay Joojin hakadna galin Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxaanu Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale markuu xillka la wareegay Todaba Bilood ka dib dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka 15/12/2002 halka Afar Bilood ka dibna uu ka qabtay Doorashadii Madaxwaynaha 14/4/2003 halka Doorashadii Golaha Wakiilada uu dalka ka qabtay 29/9/2005 isagoo Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale culays siyaasdeed iyo Mucaarad Xoogan oo kaga imanayay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye aanay horjoogsan in uu sii wado Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxuu Doorashadii Labaad ee Madaxwaynaha Dalka ka qabtay 26/6/2010 .
Tan iyo Markii Xukuumada Madaxwayne Siirraanyo Talada Dalka kala wareegay Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale 27/10/2010 waxaa dalka ka Curatay Xukuumadii ugu ngulayd uguna taagta darnayd xaga Tartamada haday Ciyaaraha Kubada tahay iyo haday tahay Tartamada dhanka Doorashooyinka Siyaasada tahayba iyadoo Wareegii u danbeeyay ee Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada S/land ee Magaalada Boorama ka bilawday 12/10/2015 aan wali la hubin in ay qabsoomi doonaan qaybtii Labaad ee Wareega Kubada Cagta oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo u mudaysay in qaybta Labaad ee wareega Kubada Cagta ee Gobolada S/land ka bilaabmi doonaan Caasimada Hargaysa 27/10/2016 waxaana Marag ma doona in mudo Sannad ah Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo la rafanayso in ay soo gunaanado Tartankii Kubada Cagta Gobolada S/land ee Magaalada Boorama ka bilawday 12/10/2015 oo mudo Sannad ah laga joogo iyadoo dhacdadan lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ( Ninkaan quusanin isagaa quusee ) waxaa arin daran Mucaaradka iyo Muxaafidka doorasho ka sugaya Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan oo markii Jaanta iyo Jiibta ay isla heleen ay S/land Cagta saartay Jidka mudo kordhinta oo dhabada u xaadhay in ay gabiahaanba joogsato Geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land .
Waxay Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan isla kaashadeen in mudo kordhintii ugu dheerayd u sameeyaan Golaha Wakiilada sidoo kale waxay Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan meesha ka saareen in ay qabtaan Doorashadii Golaha Guurtida Nidaam kasta ha lagu soo doortoo iyagoo Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan ay mudo xileedkoodan u sameeyeen Golaha Wakiilada Sadex mudo kordhinood sida mudo kordhintii 7/9/2010 oo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda u kordhiyeen Golaha Wakiilada mar kale waxay Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwayne Siiraanyo 10/4/2013 mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen Golaha Wakiilada mar Sadexaad waxay Golaha Guurtidu 27/5/2015 mudo kordhin Sanad iyo Todoba Bilooda u sameeyeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada iyadoo Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan isla kaashadeen Siyaasad Golayaashii Qaranka ka dhigtay kuwo hawl gaba oo u dabran Dheemaalka iyo Laaluushka oo gudan Karin Waajibaadka Distooriga ah ee Golayaasha Qaranka Xillku ka saaraa bal aynu Qormada Labaad Dib u milicsano Kartidii,Hogaamintii,Hal adaygii iyo Daacadnimadii Madxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo ALLE ha u Naxariistee Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal iyo Marxuum Sheekh Ibraahin SHeekh SHeekh Yuusuf SHeekh Madar Toban Sanno ka hor,
Akhriste Fikirkaaga Ka Soo Dhiibo Kala Duwanaanshaha Hogaamineed Ee Masuuliyiinta Kor Ku Xusan
Qalinkii Subeer Daahir
waryaqaan@gmail.com
La Soco Qaybaha Danbe