WAJAALE NEWS

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Kulmiye Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Qarxay Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha

Sidaan maqlay waxay 15 xubnood iska dhexdoorteen xilal, waa kooram lakiin….


 

 

Hargaysa (Wajaale-news)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo maanta la hadlay Tv-ga Qaranka Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay khilafka ka dhex qarxay Guddida Qaban qaabada Shirweynaha ee Xisbihgaasi, waxaanuu sheegay inaanuu wax khilaaf ahi ka dhex jirin, isla markaana wixii jira la dhamayn doono.
Mr Waabeeyeoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Sidaan maqlay waxay 15 xubnood iska dhexdoorteen xilal, waa kooram lakiin kooram kaliyi socon maaye dhex-dhexaadin iyo isu tanaasul ayaanu wadnay, waanay socdaan war loo dhanyahayna insha allah waad maqli doontaan. Wax kala jabay iyo laba garab iyo waxan magaaladda ku jiraana wax run ah maaha. Markaa arrintaas waa lagu jiraa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga iyo dhammaan madaxdii kala duwanayd ayaa wada, dee dabcan Xisbil xaakimkii oo shirkii qabsanayaana ma culays yara”. Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Wabeeye oo markale la waydiiyay in tartankii iyo murankii Xisbiga dhexdiisa ahaa bilaab meen goor hore oo aan lays gaadhin, wuxuu k jawaabay “Marka Xisbi la leeyahay dee ganacsi maha oo waa la tartamayaa, waana daruuri in la tartamo, mida kale meel shaqo ka jirto ayaa lagu kala aragti duwanaada, waxse is qabsi ahi ma jiraan, waana la tartamayaa lakiin tartanku inuu mid hufan noqdo ayaa muhiim ah.”

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version