Hargeysa(WJN):-guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay maareeyaha dekeda Berbera.
Hargeysa(WJN):-guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay maareeyaha dekeda Berbera.
Kulankan oo aan loo ogolayn warbaahinta ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland kaas oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanada guddida dhaqaalaha ee golahaasi.
Kulankan oo qaatay mudo saacado ah ayaa ka dib markii uu dhamaaday waxay labada dhinacba ka gaabsadeen
inay ka hadlaan waxyaalaha ay kulanka kaga wada hadleen, balse sida ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo u dhuun daloola guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada waxay sheegeen in kulankaas lagaga wada hadlay xadiga dhaqaalaha ka soo xarooda dekeda Berbera iyo sida loo maamulo.
Waxa kale oo ay ilo wareedyadaasi sheegeen in xildhibaanada guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ay su,aalo la xidhiidha hawlaha dekeda Berbera ay waydiiyeen mareeyaha dekedaasi Eng:Cali Xoor xoor.
WAJAALE NEWS DISK
HARGEISA OFFICE