|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Maareeyaha Dekeda Berbera.
October 5, 2013 - Written by editorHargeysa(WJN):-guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay maareeyaha dekeda Berbera.
Hargeysa(WJN):-guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay maareeyaha dekeda Berbera. Kulankan oo aan loo ogolayn warbaahinta ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland kaas oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanada guddida dhaqaalaha ee golahaasi. Kulankan oo qaatay mudo saacado ah ayaa ka dib markii uu dhamaaday waxay labada dhinacba ka gaabsadeen inay ka hadlaan waxyaalaha ay kulanka kaga wada hadleen, balse sida ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo u dhuun daloola guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada waxay sheegeen in kulankaas lagaga wada hadlay xadiga dhaqaalaha ka soo xarooda dekeda Berbera iyo sida loo maamulo. Waxa kale oo ay ilo wareedyadaasi sheegeen in xildhibaanada guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ay su,aalo la xidhiidha hawlaha dekeda Berbera ay waydiiyeen mareeyaha dekedaasi Eng:Cali Xoor xoor.
WAJAALE NEWS DISK
HARGEISA OFFICE Related posts:DAAWO- Madaxweynaha Kenya, Oo Ka Hadlay Weerarkii Hubaysnaa Ee Lagu Qaaday Jaamacadda Garissa Univer... Filashada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI, Baqaha Guddoomiye Cirro Iyo Badheedhaha Jidhif. Daawo: Wasiir Xaglotoosiye Oo Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya Ka Raali Galiyay Hadalo Kasoo Yeed... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|