Ilaha wargeyska Guardian soo xigtay ayaa sheegay in madaxa Sirdoonka Sacuudiga, Prince Bandar bin Sultan u sheegay dublamaasiyiin reer Yurub ah in Maraykanku ku fashilmay inuu mowqif cad iska taago mushkilada Siiriya, khilaafka Yuhuuda iyo Falastiin iyo xidhiidhkooda cusub ee Iran, sidoo kalena ka baaqsaday inay taageero Sacuudiga xilligii ay dagaalka ku qaadeen mucaaradkii xukuumada Baxrayn 2011.
Weli ma cada in warkan laga sheegay Prince Bandar uu haysto taageerada boqorka Sacuudiga Cabdalla.
Talaabo aan hore looga baran ayuu dalka Sacuudigu todobaadkii hore ku diiday dalab loogu soo jeediyey inay ku fadhiistaan kursi golaha Amaanka ka mid ah, waxaanu ku dhaleeceeyey Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen wax-ka-qabashada mushkiladaha aduunka, talaabadaa oo la sheegayo inay fariin u diraysay Maraykanka.
“Prince Bandar waxuu u sheegay Dublamaasiyiinta inuu qorshaynayo yareynta la macaamilkiisii Maraykanka. Xidhiidhka Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa soo xumaanayey muddo, maadama, sacuudigu u arkaan Maraykanka qaar saaxiibo dhow la samaynaya Iran.”