WAJAALE NEWS

Ciidamada Liyuu Booliis Oo Nin Xoolo Dhaqato Ah Ku Toogtay Somaliland Dhexdeeda Xili Ay Xukuumadu Sooryayn Kala Daashay Wafdi Wasiiro Ah Oo Kayimid Jig-jiga.

liyuu.jpg yyBali Cabane (Wajaale News) Ciidamo Liyuu Booliis ah Ayaa la Sheegay Inay Shalay ku dilleen magaaladda Bali Cabane ee xuduudka Koonfureed ee Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo ahaa nin Xoolo dhaqato ah oo Reer Somaliland ah, waxaana magaciisa la odhan jiray Alle ha u naxariistee Aadan Yuusuf  ?Qodhob?.

Sida  wararka aanu ka helayno deegaankaasi sheegayaan Ciidamadda Liyuu booliska ayaa marxuumkaasi ugu tagay Beertiisa oo u dhow Magaaladda, ka dibna waxaa la wariyay in la dilay, islamarkaana maydkiisa loo qaaday magaaladda Jig jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada wax war ah ka soo saarin dilka ninkaasi sidoo kale, dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan ka hadal dhacdadan iyo sidda ay dhacday.

Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey magaaladda Hargeysa ku soo dhoweysay Wasiiro ka tirsan Maamulka Kililka shanaad ee ay ka tirsan yihiin Ciidankan Liyuu Booliiska ah ee lagu eedeeyay dilka ninkan, waxaana la wariyay in ay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland heshiisyo gaadheen in kasta oo aan la soo bandhigin.

Wasiir ka hogaaminaya kooxda Wasiiradda Kililka shanaad ayaa warbaahinta Somaliland  u sheegay in ay tahay Reer Somaliland iyo Reer Itoobiya sharciga socdaalka dhawraan isagoo meesha ka saaray su?aal laga weydiiyay dadka u dhashay labada dalba ee xuduudka ku koray socdaalkoodda.

Dilalkan noocaan oo kale ah ayaa ku soo noqnoqda xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa gaar ahaan gudaha itoobiya oo ay degan yihiin dad labadda dhinacba degani.

Dadka reer Soomaliland ee degan deegaanada ku dhaw xuduuda Somaliland iyo Itoobiya  u dhexaysa  ayaa khaati  ka taagan dibin dabooyinka isdaba jooga ah oo kaga timaada ciidanka liyuu Booliiska, waxaana in badan arintaasi cabashadeeda loo gudbiyay xukuumada federalka ah ee itoobiya balse waxba kamay qaban arintaasi, welina waxaa halkeedii ka sii socda dilkii, dhicii iyo dhibaatooyinkii kale ee ciidanka liyuu Booliisku ku hayeen Shcabka xoolo  dhaqatada  ee deegaanadaasi degen.

Exit mobile version