WAJAALE NEWS

Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtay Nin Isku Magacaabay Suldaan

Hargeysa(Wajaale News)-Ciidamadda Bileyska, ayaa hawlgal ay maanta gelinkii dambe qaadeen ku soo qabtay nin isku magacaabay inuu yahay Suldaanka Habar-Magaado isaga oo ku sugan gurigiisa.

Ninkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Jibriil Muuse, ayaa hore u sheegtay in dhawaan lagu caleemo saari doono magaaladda Kalabaydh ee Gobolka Gabiley isaga oo noqon doono suldaanka guud ee Habar-Magaado.

Haddaba, ilo xogogaal ah oo aanu helaynay ayaa tibaaxaya in jagadda uu Mukhtaar isu cummaamaday aanay gebi ahaanba jirin madax-dhaqameed ama odoyaal ka tirsan beesha oo ku garab taagnayd inuu noqdo suldaanka guud ee Habar-Magaado.

Xadhiga Mukhtaar, ayaa la sheegay inay ka dambaysay, kadib markii shaki iyo tuhun laga muujiyey in isku magacawgiisu buuq iyo rabshad ka dhex abuuri karo beelaha ka soo jeeda Habar-Magaado, taasoo keentay in dawladdu kahor inta aanay arrimahaas dhicin ay gacanta ku dhigto ninkan, iyadoo gebi ahaanba aanay jirin cid ku garab taagnayd inuu noqdo suldaanka guud ee Habar-Magaado.

Mukhtaar Jibriil Muuse oo ah nin dhallinyaro ah, kana tirsan shaqaallaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaan ilaa hadda la hayn sababta ku kaliftay inuu xilkan isku taago ama isu cummaamado isaga oo aan wax taageero ah ka haysan cida ay khusayso magacaabista jagaddan.

Talaabooyinkan ayaa u muuqda kuwo ay Xukuumaddu kaga hor tagayso dhaqamada in ay dadka qaarkood isu cumaamadaan taasoo dhibaato ku keenta marka danbe Xukuumaddaha, iyadoo hore u soo saartay digniino ku xidhiidhsan in aanu qofna sheegan karin Caaqil ama xil kale, kaliya marka laga reebo cid beeshiisu wadato ama ay u doortaan inuu xil ama jago madax-dhaqameed u qabto.

Wixii warar dheeraad ah ee ka soo kordha kala soco shabakadda Wajaalenews.com.

 

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version