WAJAALE NEWS

Xisbiga Mucaaradka Ee Dalka AUSTRALIA Oo Ku Guulaystay Doorashadii Maanta Ka Dhacday Dalkaas.

Melbourne, Australia: (Wajaale News) Waxa caawa la soo gabagabeeyey doorashadii lawada filaayey ee ka qabsoontay dalweynaha Australia. Hadaba maanta oo sabti ah oo bishu tahay 7 September 2013. ayaa  waxa shacabka reer Australia ay codkoodii si hagar la´aan ah ugu deeqeen xisbiga mucaaridka ah ee loo yaqaano. The Australia Liberal Party. Xisbigaas oo si la yaableh uga guulaystay isla markaasna bada ku daray xisbul xaakimkii talada dalka gacanta ku soo hayey lixdii sano ee la soo dhafay, ee loo  yaqaanay The Australian Labour Party. Hadaba doorashadan ayaa ahayd mid la filaayey aadna loo saadaalinaayey in xisbul xaakimka talada

dalka gacanta ku haya in daadku qaadi doono, waxaanay u dhacday sidii saadaashu ahayd.


Hadaba waa markii ugu horeysay ee xisbigan mucaaridku ay talada dalka gacanta ku qabteen mudo dheer oo hada laga joogo ilaa lix sanadood. walow ay aad u sigeen doorashadii hore ee dalka ka qabsoontay sadex sano ka hor. Hadaba waxa caawa shacabka reer Australia la hadlay raysul wasaaraha hada xilka wareejinaaya mudane Kevin Rudd. isla halkaasna ka soo jeediyey qudbad dheer oo runtii aad dadka u soo jiidatay marka loo eego qudbadii uu jeediyey mudane Tony Abbott oo xilkaas Raysul wasaare nimo la wareegi doona isla berito marka xilkaas loo dhaariyo.

Hadaba xisbul xaakimaka oo si xun looga guulaystay isla markaasna kuraas badan lumiyey ayaa hada waxay isku diyaarinayaan siday dib uga soo kaban lahaayeen ee ay si dhakhso leh u soo gagabgooyn lahaayeen. iyagoo dhawaan dooran doona hogaamiye cusub oo xisbiga dib u soo dhisa isla markaasna soo diyaariya kooxda ama tiimka u soo safan doona doorashada danbe. Waxa hadaba raysul wasaaraha xilka wareejinayaa uu u hanbalyeeyey masuulka cusub ee xilka hogaanka dalka la wareegaaya.

Hadaba kalmadaha aanad marnaba xisbiga laga guulaystay aanad afkooda marnaba aanad ka maqlayn waxa ka mid ah sida: “WAA LAGU SHUBTAY”  iyo “DOORASHADANI XOR IYO XALAAL MAY AHAYN” Hadaba ereyadan oo sida iska cad ah kuwo af gobaadsi ah aadna loogu yaqaano ama looga isticmaalo qaarada Africa gaar ahaan marka xisbi mucaarid ama muxaafid ah laga helo doorashada, gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version