Hargeysa(Wajaale News)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland aya khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey Mudanayash Aqalka Wakiilada Somaliland.
Khudbadii u wasiiirku u jeediyey Barlamanka oo qoraal ayuu Xalay ku daabacay Bogga uu ku leeyahay Face Book iyo Bloggiisa Gaarka waxanu qoraalkiisa ku bilaabay.
Ugu horayn waan ku faraxsanahay in aan maanta oo kale hor tago Mudanayaal milgo iyo maamus badan mudan oo waajib ka mida waajibaadka dastuuriga ah fulinaya, in aan hor tago isla markaana ka warbixiyo xukuumada talada dalka haysa ee aan ka midka ahay wasiiradeedu halka ay majaraha maamul ee Dalka marinayaan.
?Anigoo Ixtiraamaya Xilka aad qaranka u haysaan iyo Muhiimada ay qaranka u leedahay is xog- waraysiga iyo La xisaabtanka Hay?adaha kala duwan ee dalka marka loo baahdo ayaan jecelahay in aan warbixin kooban idinka siiyo Xukuumadii Ummadu Dooratay iyo Halka ay Majaraha Maamulka Marinayaan?
Waxay ahayd 04/09/2013, kadib markaan kulan xog iyo xaal waran ah aan ku siiyey Mudanayaasha Aqalka Sharci Dajinta ee Somaliland halka uu dalku guud ahaan marayo.
Waxaan intas kadib warbixin kooban ka siiyey xaalada xoolo dhaqatada iyo Roobabka dhawaanahay ka da?ay dhulkeena
-Sida aad la socotaan maadama nolosheenu ku xidhan tahay xoolaha nool , waxaa mudooyinkii u dambeeyey ay heleen roob lagu diirsaday oo Nimcad Halka Alle inooga timid ah, walaw deegamadu ku kala badnayeen, balse sida aynu ognahay roobabkaasi waxay gaysteen woxooga khasaare ah maadama wakhtigii roobka la filayey uu dib uuga dhacay isla markaana uu ku soo beegmay xili aan dalag iyo degaalba diyaar loo ahayn hadana Alxamdulillah dadkeenu way ku diirsadeen wayna ku nabad iyo caano qabaan.
Amaanka iyo Nabad Galyada
– Xukuumaddu iyadoo ka duulaysa baahida uu dalku nabadgelyada u qabo waxay kordhisay tirada iyo tayada ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya nabadgelyada, afar dufcadood oo ciidanka booliska ah ayaa laga soo saaray xeryaha kala duwan ee tabobarada, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee SPU-da loo yaqaano, kuwa RRU-da loo yaqaano iyo kuwa STU-da loo yaqaano . Ciidamadaa waxa loogu talo galay in ay xuduudaha dalka oo dhan gaadhi karaan, waana tiro yar oo la tayeeyay. Ciidankani waxay ka qayb qaadan karaan wixii degdeg ah ee qarankan ku yimaada gude iyo dibadba. waxaa kor loo qaaday Ciidmada badda iyagoo lagu qalabeeyey Doonyo ay ku hawgalaan kuwo cusub iyo kuwo la tayac tirayba.
– Dhankaa sare oo dhan waa tayada iyo kor u qaadida muuqata balse sidoo kale si kor loogu qaado Niyadooda waxaa Ciidanka qaranka iyagoon marba abaalkooga la gudin karin loo qabtay in Darajo loo sameeyo Toban kun ?10,000? oo Askari oo min Alifle Ilaa General ah isla markaana Guno-dooda loo kordhiyo iyagoo lagu siinayo hadba darajada u sito isla markaana ay ku mushaar qaadan doonaan Sanadkan Insha Allah, kuwa Dable-yaasha ahna loo kordhin doono een wax darajo ah sidan.
– Sannadkii 2012 waxa dalka ka dhacay in ku dhaw (Sideed iyo toban kun iyo sagaal boqol sideetan iyo sagaal dambi, halka sannadkan 2013 oo lagu jiro bishiisii sagaalaad ay dalka guud ahaan ka dhaceen (Toban kun ilaa laba iyo toban kun inta u dhaxaysa).? ayuu yidhi wasiirku.
Sidoo kele waxa uu wasiirku sheegay in uu hoos u dhac aad u wayni ku yimi dilalkii labadii sanno ee u dambeeyay ?Dilalku hoos bay u dhaceen, waxay ahaayeen sannadkii hore (todobaatan iyo todoba, laakiin sannadkan afartan dil ma gaadhaan -Goobaha Nabad galyada, sida Saldhigyada ama Rugaha dalka laga hirgaliyey anoo ku qiyaas qaadanayaa Goboladii horay u jiray maadama aan joogo Xaruntii Sharci Dajinta oo ayna wali Si Dhamaystiran aydaan u ansixin goboladii la magaacabay ee dambe waxay yihiin sidan:
M/jeex ? Saldhig: 21 Rug: 20 , Togdheer ? Saldhig :26 Rug: 15 , Awdal ? Saldhig: 11 Rug: 7 Saaxil – Saldhig: 9 Rug: 3 , Sool ? Saldhig : 5 Rug :5 , Sanaag ? Saldhig : 14 Rug: 5
Guud ahaan Tirada Saldhigyada: 76 Tirada Rugaha: 55 marka lagu daro 32 control waxay noqonayaan 82 Rugood intaas oo dhan ayey ka hawl galaan Ciidamada Nabad galyadu si loo sugo amniga iyo nabad galyada dalka
Miiisaniyada iyo Dhaqaalaha
Marka la qiimaynayo Kor u kaca dhaqaale ee umadeed waxaa laga dheehdaa Miisaaniydooda, hadaba anagoo ka duulayna qorshihii shanta sano ee xukuumada ?5 year Plan? waxay xukuumadu la wareegtay xukunka dalka waxaad dareemaysa korodhka dhaqaale ee dhacay iyagoo ka soo qaaday 46 Milyan maantana Miisaniiyada dalku marayso 125 Milyan taasoo sidoo kale ay laban laabatantay wax soo saarka Dawladaha hoose,
Xakamaynta Musuqmaasuqa
Si loo xakameeyo isla markaana meesha looga saaro lunsiga hanitda qaranka, waxaa si dhamaystiran u hawl galay hanti-dhawraha qaranka, isagoo mudo yar shaqeeyay hadana qabtay shaqo badan iyadoo laga dheehan karo tirada ama cases ka uu wax ka qabtay gobolada kala duwan ee dalka iyagoo dhamaan maray hay?adaha iyo laamaha kala duwan ee Dawlada, sida aan ognahay dhaqaalaaha waxaa saamayn badan ku leh lacagta, hadaba si wax looga qabto lacagaha kala duwan ee dalka dhex socon jiray waxaan wax badan ka qabanay isla markaana ka badalnay lacagtii Giimbaartii Gobolka Togdheer hadana uu Gudoomihiyii bank-u ku maqan yahay gobolka Sanaag si gobolkaasna looga badalo woxoogaga lacagtii Giimbaarta ahayd ee
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland