Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiiradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in ay meel wanaagsan u marayaan wada hadaladii ay la lahaayeen Shirkadda Duulimaadyadda ee Ethiopian Airline, taas oo si kedis ah u hakisay Duulimaadkeedii Hargeysa.
Hakadka ku yimid duulimaadkaasi diyaaradda Ethiopian Airline ayaa waxa uu go?doon geliyay 184 qof oo iyagu ku qornaa diyaaradaasi, kuwaas oo dhawr maalmood ka dib safar lugta ah ugu ambo baxay dhinaca dalka Ethiopia.
Dhinaca kale Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo macdanta iyo biyaha Maxamed Biixi Yoonis iyo Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa la sheegay in ay soo gaadheen Magaaladda Adis Ababa, kuwaas oo xoojin doona Waftigaasi hore u tagay Magaalada Adis Ababa.
Sidaasna waxa Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim oo u waramayay warbaahinta waxaanu yidhi ?Maantaba Waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa gaadhay Adis Ababa, waxaanay xoojin doonaan Wasiiradii hore u sii joogay? ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee dhinacyadda ka kala socda Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Diyaarada Ethiopian Airline ayaa lagu wadaa in wada hadalkoodaas ay ka soo baxaan natiijooyin.
Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com