WAJAALE NEWS

Wasiir Samaale Oo Qado Sharaf Iyo Kulan Xod-xodasho Ah U Sameeyay Xildhibaano Wakiilada Ah , Waa Maxay Sababtu?

Hargeysa ( Wajaale News) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta hoteel Ambassador Ee Magaaladda Hargeysa Hadhimo Sharafeed ugu sameeyay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee laga soo doorto Gobolka Awdal.
Hadhimo sharafeedan oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa waxa ay warar u dhuun daloolaa u cadeeyeen saaxilnews in uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland uu kala hadlayay Xildhibaanaddan sidii cod loogu heli lahaa xeerka Horumarinta Wadooyinka oo uu dhawaan Golaha Wakiiladda Hor Keenay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xeerkan oo sidii uu Golaha Uga Hor akhriyey Wasiir Xirsi cashuuro cusub lagu kordhin doono Xoolaha Nool iyo gaadiidka, ayaa waxa ay mudaneyaasha Golaha Wakiiladu saddexdii Maalmood ka yeesheen dood adag oo gaadhay Gacan Ka Hadal.
Wasiir Samaale ayaa waxa la sheegay in uu si aad ah ugala hadlay Xildhibaanaddan ka soo jeeda Gobolka Awdal sidii ay u noqon lahaayeen kuwo taageero u muujiya Xeerkan oo hadii buu yidhi la ansixiyo miisaaniyadda qaranku ay u laban laabayso.
Ma jiro war rasmi ah oo ay labadda dhinac ka soo saareen Kulankaasi, laakiin waxa la sheegay in Xukuumaddu ay mudaneyaasha Golaha Wakiilada Deegaan, deegaan ula shirayso si ay uga dhaadhiciso xeerkaas iyo faa?iidada uu qaranka ugu fadhiyo.
Xildhibaanadda saaka uu Wasiirka Maaliyaddu la kulmay ayaa waxa ay kala ahaayeen
Xildhibaan Cali Gabiley
Xildhibaan Cabdirashiid Axmed (Hoos u jeed), Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali Ayaanle, Xildhibaan Axmed Obsiiye, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Xildhibaan Xasan Muuse Hufane iyo Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane iyo Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye(Cali Gabiley).
Xeerkan ayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u ham iyo dig leedahay sidii loo ansixin lahaa xeerkan oo durba midho dhalkiisii noqday in uu dagaal gacan ka hadal ahi dhex maro Mudaneyaasha ku kala aragtida duwan anisixintiisa.
Si kastaba ha ahaatee ansixinta Xeerkan oo ay doodiisu muran xoog badan oo dibadda u soo baxay dhex dhigtay Golaha Wakiiladda ayaa si aad ah isha loogu hayaa.

Wajaale News
Hargeysa Office

Exit mobile version