WAJAALE NEWS

Shir Jaraaid Oo Laga Hadlaayey Bedelkii Lacagta Gobolka Sanaag Ayaa Lagu Qabtay Hoolka Dowlada Hoose Ee Magaalada Ceerigaabo.

Ceerigaabo (Wajaale News) Shir jaraa?id oo manta lagu qabtay hoolka shirarka  dawlada hoose ee magaalada ceerigaabo .shirkan jaa?id ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda heer gobol iyo heer degmo,taliyeyaasaasha ciidamada ,agaasimayaasha ,xildhibaanada golaha deegaanka iyo dad weyne aad u tiro badan shirkan jaraa?id  ayaa waxa laga arin sanayey joojinta ,xayiraarada ,mamnoocida lacagta shilin soomaaliga

Waxana munaasabadan ugu horayn hadalo kooban ka soo

jeediyay maayarka degmada ceerigaabo ismaaciil x nuur faarax oo xusay in lacagta shilin soomaaligu ay dhibaato weyn oo xag kasta  ku hayso bulshada reer cergabo. Waxa kale oo uu sheegay in  madax wenaha somaaliland uu ajiibay codsiyadii ay u direen madaxda gobolku ee ahaa in laga bedelo lacagtii dhaawaca weyn gaadhsiisay degmada ceerigaabo

.

Waxana ugu danbayntii soo gunaanadeyntii soo gunaanadey badhsaabka gobolka sanag  axmed muxumad geele dacar oo sheegay in lacagta shilin soo maaligu uu dhamaaday waqtigii loo qabtay hada wixii ay tahay mamnooc waxa kale oo uu sheegay in la ogolyahay oo keliya sarifkeeda .intaa kadib waxa uu shahaadooyin sharaf  gudoonsiiyey  gudoomiyaha baanka Somaliland cabdi dirir cabdi iyo kormeeraha gobolada bari ee baanka j/somaaliland cumar cali axmed {xogogaal} waxa uuna gudoomay labadii shahaadoba .

.

Iydoo 5/8/013 la soo geliyey degmada ceergaabo lacagtan Somaliland  ayaa waxay ku beegmaysa xili ay khal khal lacageed ka jiro degmada ceerigaabo

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version