WAJAALE NEWS

Qallin Jabisee, Guuli Waa Wali! Dr.Mohamed-Culimo

Qallin Jabisee, Guuli Waa Wali! Dr.Mohamed-Culimo

 

Fikirka inta badan dadkeena ka dhaadhacsani waa in marka uu qofku qalin jabiyo

Aan duco iyo hambalyo iskugu daro ardayda ka qallin jabisay jaamacadda dalka (Camuud, Admas,Gollis, Hargeysa ). Soo barbaara aan idhaahdo ubadkeena ka gudbay fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe. Inta dedaalka iyo nasiibka isku darsatay ee kaalmaha wanaagsan heshayna waxay mudan yihiin dhiiri galin.
Ardayda qallin jabisey inay dhamaantood aqoonyahano yihiin iyo in kale waa su aal doodi ka furan tahay. Dad badan ayaa dood ka qaba tayada aqoonta aad barateen iyo nidaamka uu u dhisan yahay hab aqooneedka qarankeenu (Education system). Su,aashaas iyo qaar kale oo xan xantaynaya quluubta dadka idin jecel ,idinka ayaa hab ficil ah kaga jawaabi kara. Inta badan bulshadeenu aqoon uma laha sida ay u qiimaynayaan aqoontiina laakiin waxay si fiican u qiimayn karaan dadnimadiina iyo dhaqankiina oo ka turjumi karta aqoonta aad xambaarsan tihiin ee amaanadda idinku ah.
Prof.Maxamed Cumar Jiir oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo ahaan jiray Vice-chancellor-ka jaamacadda Hargeysa oo ka hadlayey qallinjabintii u horaysay ee jaamacadda Hargeysa (2004) ayaa laga hayaa ,“Tirada ardayda jaamacada is qortay bilawgii way badnayd, in yar oo ka mid ah ayaa qallinjabisay, intii kalena duruufaha ayaa liqay” . Waa hadal meeshiisa leeg oo muujinaya in imtixaanka ugu adag ee dadka kala saaraa yahay waayaha wakhtigu wato iyo duruufaha nolosha ee is bed bedelka badan. Imisa qof oo aad isku fasal ahaydeen ayaa ka hadhay tacliinta oo wakhtigu ka hiiliyey?. Ma awoodaada iyo xeeladaada ayaad halkaas ku soo gaadhay?. Saw ma haboona inaad Ilaaha sidaa kaa yeelay sujuud u dhacdo?.
Waa hubaal hadii aanad dedaalin inaanad halkaas soo gaadheen laakiin dedaalkaaga oo kali ahi waxba ma goyn karo. Hadallada dadka wanaagsan waxaa ka mida: Ilaahow waa mahadaa. Awoodayada iyo xeeladayada midna maaha oo halkaas kumaanaan soo gaadhin. Ilaahow noo kordhi. Intaas ma lagaa helaa!.
2004-tii ayaan ka qayb galay xafladii qallin jabinta ee jaamacadda Camuud. Prof.Saleebaan Axmed Guuleed oo ah gudoomiyaha jaamacada ayaa hadal ka jeediyey madasha oo sheegay in ardayda qallinjabisay abaal qaranku ku leeyahay. Hadalkaasi wuu igu duxay oo wali maskaxdayda kamuu tagin. Alleylehe, waa runtii oo way daymaysan yihiin. Askarta xuduudaha u hoyata ee dhaxantu hayso iyo inta habeenkii soo jeeda ee amaanka heeganka u ah ayaa kow ka ah. Macalimiintii wax idin soo bartay bilawgii raadqaadkiina ilaa kuwa maanta jaamacadda idinla jooga ha iloobina. Hooyadda suuqa khudaarta ku iibisa ee ogolaatay in cashuur laga qaado si loo ilaaliyo dawladnimada suuro galisay inay samaysmaan isguulada iyo jaamacadaha dalka ka hano qaaday ee tiro beelay, ha u daymo la aanina.
Maan ilaawin saddex jeer xaq mudan (HOOYO), waa halkii abwaan Xassan weedhsamee. Aabo iyo waalid inta kale ee idinla soo dedaashay abaalkoodu yuu kaa maydhmin. Xasuusnow oo meel ku qoro , abaal nin gala wuu badan yahay laakiin nin gudaa wuu yar yahay.
Waxaan xasuustay maqaal uu cinwaankiisu ahaa : Qallin jabinee ,maxaan qabanaa ? oo uu qoray C/fatah Sh.Nuux (Dabshid).
Wuxuu muujinayey dareenka inta qallin jabisay. Inkasta oo ay tahay xilna damaq, ninkuu dhibo , hadana waa hal xidhaale qaranka u yaal xataa intiina qallin jabisayna ku daroo.
Gudoomiyaha xisbiga UCID , Eng. Faysal Cali waraabe oo dhawr sano ka hor habeen xaflad aan ka qayb galay oo lagu qabtay Hotel Maansoor kula hadlayey arday qalin jabisay wuxuu yidhi, “Meel kuuligii shaqo laayahay, aqoon yahanka maxaad u malayn?.”. Haddii aynu siyaasadda ka saarno, waa hadal dhab ah, waana duruuf wakhtigu keenay oo taal dalkeena.
Ha ilaawina inaan aqoonta loo baran in lagu shaqo tago oo kali ah. Sida diinteenu qabtana waaba dambi wayn in aad sidaas u fikirtaa. Nabigu (CSW) wuxuu yidhi, “Qofka u barta aqoonta inuu ku helo maal aduunyo oo kaliya, janadda ma uriyo”. Janaddana waxaa laga soo uriyaa masaafad aad u dheer. Aqoonta amaanadda kugu ahi bal ka waran haday halkaas ku gaadhsiiso?. Saw dhanwalba seeg maaha?.
Waa run oo dalka shaqo la aani way jirtaa, waxaase ka sii daran oo barbar socota ma shaqaysanimada. Qofkastaa wuxuu doonayaa oo uu ku hamiyayaa inuu xafiis fadhiisto. Hadda ku darsoo, xafiisyada wadanka ku yaal hadii loo qaybiyo inta qallinjabisay inamaba deeqayaan.
Qallin jabintii dufcadii labaad ee jaamacadda Hargeysa oo ku beegnayd 2005-tii , waxaa hadal ka jeediyay Dr.Sacad Cali Shire (wasiirka qorshaynta qaranka SL) oo wakhtigaa ka mid ahaa qurbajoogta UK iyo gudidii aas aastay jaamacadda Hargeysa. Hadalkiisii waxaan ka xasuustaa,“ Ardayga ka qallin jabiya jaamacadaha UK wuxuu diyaarsadaa ilaa 300 shaqo-codsi (application) oo uu u qaybiyo shirkadaha shaqooyinku ka banaan yihiin, kamana caajisaan ilaa ay ku guulaystaan. Ardayda Somaliland ka baxaana marka ay shan meelood codsi geeyaan ee loo soo jawaabi waayo way niyad jabayaan oo waxay odhanayaan dalka shaqo ma jirto”.
Soomaalida waxaa lagu xantaa Samir yaraan. Marka aad la dhaqanto bulshooyin kale waxaad is odhan kartaa , arrinkaa wax baa ka jira. Sidaas darteed, ardayda qallin jabisay samirku astaan ha u ahaado. Sidii aad ugu dhabar adaygtay tacliinta, guntiga ugu adkayso duruufaha dabayl xagaaga u eeg ee jidka kaa leexin kara.
Buug aan maalin dhawayd akhriyey ayaa ka sheekaynayey sida loo noolaado xiliga shaqo la,aanta. Waxaaban is idhi , Way fiicnaan lahayd hadii jaamacadeheena laga bixiyo casharo (short courses) ku saabsan sida shaqada loo raadiyo iyo sida loo noolaado xiliga shaqo la aanta.
Ardayda qallinjabisay qaarkood oo dareenkooda cabiray waxay yidhaahdeen, “ Waa maalintii iigu farxadda badnayd noloshayda ”. Waa runtood oo waa maalin uga astaysan maal maha kale. qallinjabinta koowaad ee jaamacadu la dareen maaha kuwa kale (Master ama PhD). Gudoomiyihii hore ee jaamacadda Hargeysa Dr.Xusseen C/lahi Bulshan ayaan ka guntay , “ jaamacado badan ayaan ka qallin jabiyoo , tii iigu horaysay ayaa iigu farxad badnayd”. Hasayeeshee in badan oo ardaydaa ka mid ah cimriga farxadoodu ma raagto oo wakhti yar dabadeed waxay dhadhamiyaan maalmaha noloshooda ugu xun. Waa inta tahriibta ama socdaalka suudalka ah ku dhaqaaqda. Imisaad maqashay iyagoo leh: Cunto iyo biyoba markay naga dhamaadeen ayaanu kaadida ku dul cabnay doonyaha iskaga goosha Liibiya iyo xeebaha Talyaaniga. Ma nolol ka xunbaa jirta in qofku wasakhda jidhkiisa dib u quuto?. Qaarbaa hooyooyinkood iyo hablahoodii lagu hor kufsaday.
Ma maskasdaas ayaan dhaawac soo gaadhin ?. Ma gabadha la kufsaday ee ilmo aan ab iyo isir toona lahayn Talyaaniga ku haysata ayaan dhadhamin qadhaadhka nolosha ?.
Gunaanad.
Fikirka inta badan dadkeena ka dhaadhacsani waa in marka uu qofku qalin jabiyo uu guushii u dambeysay gaadhay. Fikirkaasi sax maaha. Guul wuu gaadhay laakiin maaha tii u dambeysay , waxaaba la odhan karaa waa tii u horaysay. Indhaha ayaad kala furtay, darajadii koowaad ee ardaynimada ayaad dhamaysay, waxaanad gaadhay xiligii lagugu darayey qaadhaan bixiyayaasha qaranka,hadii aanad hore ugu jirin. Qaadhaanka ugu yar ee lagaa filayaa waa inaanad adigu dhib soo kordhin iyo hanashada masuuliyadda qoyska. Wakhtigaaga oo aad in ka bixiso iyo talo toosan oo bulshadeena anfacda oo aad dhiibto ayaa loo heelan yahay oo qaadhaanka aad bixinaysana ugu wanaagsan.

Dhamaad.

Dr.Mohamed Yusuf Aw Cali (Mohamed-Culimo)
mculimo@yahoo.com

Exit mobile version