WAJAALE NEWS

Munaasibad Lagu Abaal Marinayay Ardayd Ka Qaklin Jabisay Dugsiyada Salaama Schools Ayaa Ka Dhacday Hutel Crown Ee Magaalada Hargeysa :

salaama schoolHargeysa(Wajaale News)-Ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo uu hor kacaayo wasiirka wasaarada dhalin yuarada ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland cali siciid raygal, guddoomiyaha haaya,ada dhawarista iyo tayata Somaliland mr:cali biikalo ,guddoomiyaha jimciyada mujaahidiinta Soooyaal,,,,agaasimaha waaxda bareefadada dalka pro:muuse ,wasiirkkii hore ee wasaarada ganacsiga ee xukuumadii riyaale abiib fil fil iyo marti sharaf kale.


Maamulaha guud ee salaama jaamac biixi yoonis oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa waxa uu ka war bixiyay ujeedada xafladan isaga oo sheegay inay iskugu jirto laba waji oo kal ah in la abaal mariyo iyo shahaadooyin la siiyo ardaydii kaalmaha hore ka gshay imtixaanaadkii sannad dugsiyeedka dugsiga Salaama schools,isaga oo ardayda inay sii wataan aqoonta balse aanay is odhan waad dhameyseen,wasiirka wasaarada dhalin yarada ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo isna ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in xukuuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ay diyaar u tahay dar yeelida dhalin yarada Somaliland,isaga oo tilmaamay in da yarta aqoonta leh ay isku diyaariyaan sidii ay u raadin lahaayeen shaqo ,wasiir Cali Siciid raygal waxa uu ku faanay in xukuumada Somaliland ,ay samaysay barnaamij cad oo lagu maamulaayo dhalin yarada dalka isaga oo tusaale usoo qaatay gudida uu madaxweyne siilaanyo u saaray ka hor tagay tahriibta,guddoomiyaha hayad,ada dhawrista iyo tayad qaranka gudoomiyaha jimciyada sooyaal ,iyo wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga oo iyagu ka hadlay goobta ayaa dhamaantood ardayda iyo dhalin yarada ku dar daaray inay ilaaliyaan waxbarashada islamarkaana ay ka fogaadaan masiibada tahriibta ee aafaysay dhalinta dalka Somaliland.
Gaba gabadii agaasimaha waaxda iskuulaadka gaarka loo leeyahay pro:muuse maxamed shire oo soo xidhay munaasibada ayaa ka sheekeeyay ahmiyada tacliintu u leedahay bulshada isaga oo sheegay in iskuulaadka SALAAMA ay yahiin kuwa door buuxda kaga jira aqoonta dalka Somaliland s
Guddoomiyaha jimciyada Sooyaal Xasan cabdi muxumed
Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga ee xukuumadii riyaale abiib xasan fil fil
Waxbarashadu waa nolosha danta guud ,qoyska iyo qaranka,qofka jaahilka ahi waa mid dhex fadhiya qol madaw halka ka aqoonta lahina uu yahay qof toosh qaatay,dar daaran, sii wada waxbarashada
Wasiirka wasaarada ciyaaraha cali siciid raygal,waxaan jeclaa inan idinla dhamaysto laakiin wakhtibaanan hayn aniga iyo schoolka salaama waxa noo dhexeeya xidhiidh aanay cid ogayn,markii madaxweyne siilaanyo I magacaabay madbacada qaranka Somaliland,salaama waxay ahayd cidii ugu horaysay ee gacan I siisay islamarkaan madbacad qaranka ila kiciyay,intaan madaxweynahu soo saarin wareegtada waxaty ahaayeen cidii ugu horaysay ee fuliya shaqada qaranka ,waxaad ogaataan in wadankan idinku iska leedahiin ,wadaniyada waad inaad ogaataan,waxaad ogaataan in badan oo idinka midi uu madaxweyne ka noqodoono dalka Somaliland,waxaaan idinkala dar daarmayaa inaad tahriibta ka fogaataan,waxaan idin kala dar daarmayaa inad ka foogtaan qab yaaalada,xukuumada Somaliland waxa ka go,an in dhalin yarada Somaliland wax  u qabto,ninka wax soo bartay waa inuu qaataa qalabkiisa waa inuu albaabada garaacaa ,waa inuu kaaryoonka buuxiyaa,waarde shaqo iska socota oo guriga kuugu imaysaa oo ku odhanaysa sahray waykane kaalay ma jirto,madaxweynahu wuxuu magacaabayu gudida ,waxaanu la kullanay gabadh tahriibtay waxaanu waydiinay maxaad ka tahriibtaya waxay noogu jawaabatay shaqaan jirin,,,gudoomiayah dhawrista cali maxamed cabdale( biikalo)
Agaasimaha waaxda bareefada dalka pro:Muuse maxamed shire,tacliintu waxay kordhisaa fahanka ,garaadka

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Wariye: Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Habane

Exit mobile version