Hargeisa-(WJN)-Ardyada wax ka barata jaamacada Hargeysa (University Of Hargeisa) oo tiradooda lagu qiyaasey kun ku dhawaad ayaa mudaharaad qadar saacada ah socday maanta ka hor dhigay jaamacada horteeda. Ardaydu waxay albaabka hore ee jaamacada ku gubeen daraasiin Taayiro ah kuwaas oo qiiqooda iyo ololkoodu cirka isku shareeray.
Jaamacadda Hargeysa oo ay si toosa u maamusho xukumada Siilanyo ayaa sida ilo xogogaala oo u dhuun daloola mudaharaadkan ardaydu soo abaabulleen u xaqiijiyeen Qarannews in ardaydu ka cabanayaan lacagyow lagu kordhiyey Fiiga laga qaado balse culays ku ah oo aaney awoodi karin,lacagahaas oo sida la sheegay ka soo fulay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeisa Cabdi Xuseen Gaas,wasiirada waxbarashaduna Samsam Cabdi adana la ogtahay.
Ciidamo booliisa oo uu horkacaayo taliyaha Booliiska Somaliland Jeneral Fadal oo ay weheliso wasiirada waxbarashada Samsam Cabdi Adan ayaa soo gaadhey goobta mudaharaadku ka socday,xoogna ku kala kalan didiyey ardaydii mudaharaadka dhigaysay,dabkiina bakhtiiyey.
Isku soo wada duuboo xikmad baa ah “Garawshiiyo waa geelsiine “ may helin wax garawshiiyo ah ardaydii mudaharaadeysay oo aan ka ahayn hanjabaad iyo cagajuglayn iyo liis magacyo la qorqoray oo wasiiradu ku hanjabtay inay hayso dadkii ka danbeeyay mudaharaadkana talaabana laga qaadi doono.
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com