Hargeysa(Wajaale News) Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa maanta dhagax dhigtay dhisme cusub oo lagu kordhinayo Xarunta Agoomaha ee Magaaladda Hargeysa.
Dhismahan cusub oo ay hirgelinayso xarunta Bisha cas ayaa waxa ay Marwada koowaad ka sheekaysay dayacii ka muuqday xarunta Agoomaha muddo saddex sano ka hor.
Hadalkii ay halkaasi ka jeedisay waxaa ka mid ahaa “Waxa aanu soo taagnayn saddex sano ka hor xarunta lagu xanaaneeyo Agoonta sidii ay ahayd ilaahayn uun baa ogaa, waxaana maanta farxad weyn ii ah in aan maanta(shalay) arko xaruntaas oo ay ka socdaan hawlo aad fiicani, waxaana amaanteeda leh maamulka xarunta iyo waliba hay’addaha la shaqeeya.” Ayay tidhi Marwadu
Waxa ay amaan balaadhan u soo jeedisay maamulka xarunta Agoomaha, waxaanay carabka ku dhufatay in ay ku dedaali doonaan sidii ay wax badan ula qaban lahaayeen caruurta xaruntaasi lagu xanaaneeyo.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa xustay in Marwada koowaad ee dalku ay ku amaanantay sida fiican ee ay mar walba uga hawlgasho sidii sare loogu qaadi lahaa caruurta halkaasi lagu xanaaneeyo.
Waxa kale oo ay baaq u dirtay dadka ku soo durkaya dhulka uu ku fadhiyo xarunta Agoomaha ee Magaaladda Hargeysa.
Dhismahan ayay dadweynaha la jaaraka ah Xarunta Agoomuhu xalay ku jahawareereen cida fulinaysa kadib markii Habeen hore lagu bilaabay dhisme iyo banayn goobta uu ku yaalo, halkaas oo ay ilaalinayeen Ciidanka Asluubta ee ka hawlgala Xerada Agoomaha.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland