WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar kale Si Dadban U Weeraray Madasha Wada-Tashiga, Sheegayna Inaanu Aqbalayn Cidda Hagardaamada Wadda

Hargeysa:(Wajaale News)Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa Sheegay inay Xukuumaddiisu u dulqaadanayso Cambaaraynta iyo Dhaliisha ay mucaaridku ku hayaan Hannaankiisa Dawladnimo.
Madaxweynaha oo maalintii shalay la hadlayey shacabka reer Balli-gubadle, ayaa tilmaamay inay ogol yihiin dhaliisha iyo toosinta loo soo jeediyo maamulkiisa, balse uu dhib u arko Been Abuurka iyo wixii umadda waxyeello ku ah, “Dal dimuqraadi ah baynu nahay oo dimuqraaddiyaddu Waa waxa aasaaska inoo ah, in dawladda la dhaliilo, in la toosiyo  iyo in wax loo tilmaamo midna diidi mayno, laakiin waxa xun wixii umadda wax yeelaya iyo been abuurka ayaa xun.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu  isagoo qaab sarbeebaysan ugu duurxulaya Madasha wada-tashiga iyo Toosinta sheegay inaanay cidna ka yeelayn inay horumarka waddanka dabar ku xidho, waxana uu yidhi, “Waxaynu meel uga soo wada jeedsanaynaa cid kasta ha ahaadeene cidii aynu u aragno inay  dalkeena dhibaato u geysanayaan iyo inay horumarka iska hor istaagayaan iyo inay Gole aan jirin iyo magac aan jirin u abuurayaan.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacabka reer Somaliland kor ugu sheegay inaanu waddanku Haysanin Ictiraaf caalami ah, taasina ay tahay sed ka maqan qaranka, waxana uu yidhi, “Waa ogtihiin maanta ma nihin dal xorriyadiisii haysta oo buuxda oo Dunidu iciraafsan tahay ma nihin, waxyaabaha aynaan haysan buu ka mid yahay.”
Madaxweynaha  ayaa sheegay inay mudan tahay in gacmaha la isu qabsado sidii Dunida looga dhaadhicin lahaa inaynu nahay dad wada jira oo isku duuba, waxana uu yidhi, “Waxyaabaha inoo fududayn doona waxa ka mid ah marba horumarka aynu samayno iyo sida ay dunida uga dhaadhicino iyo sida aynu   ula dhaqmayno cadowgeenna iyo saaxiibkeenba inay nahaynu dal Cagihiisa isku taagay iyo umad wada socota oo wada jirta oo qaddiyada Dimuqraadiyadda iyo dubudhisku ka dhab yahay.”
Madaxweynaha ayaa maalintii shalay soo afmeeray safar dheer oo uu ku tegey Gobollo kooban oo Somaliland ka mid ah waxana uu intii uu safarka ku jirey  meelo badan ka sheegay oo ka dhaliilay Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka oo uu ku sheegay koox u soo banbaxday duminta xukuumaddiisa iyo hagardaaminta shacabka iyo sidii loo kala dhantaali lahaa tallaabooyinka Horumarineed ee Bulshadu gaadhay, taas oo Madashuna iska difaacday.

Wajaale News
Hargeysa Office

Exit mobile version