WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somalia Oo La Kulmay Xoghaya Arimaha Dibadda Dowladda Mareykanka

Washigton-(Wajaale News)-Madaxaweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku joogo dalka Mareykanka ayaa kulan la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John .F.Kerry, Wasiirka Gaashaandhigga, Chuck Hagel, la-taliyaha amniga Qaranka, Susan Rice iyo xildhibaan, Keith Ellison.

Kulammadan ayaa waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin aqalka-cad ee pentagon-ka, capitol iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Kulammadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi u u dhexmari lahaa Mareykanka iyo Soomaaliya.

Xubnaha madaxweynaha ku wehliyay kulammadan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, Wasiirka Maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaa iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh Cabdiqaadir. Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somalia, Yusra Abraar iyo la-taliyayaal sar-sare oo ka kala socdo xafiiska Madaxaweynaha iyo kan ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ugu mahad-celiyey Mareykanka sida ay mar walba taageerada ula garab-taagan yihiin Soomaaliya oo hadda kasoo kabsanaysa dagaal sokeeye oo aad u dheeraa.

Madaxaweynaha ayaa hoosta ka xariiqey muhiimadda ay leedahay midnimada iyo heshiiska Soomaalida u dhexeeya. Isagoo yidhi: ”Waa muhiim in wada-shaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi ay dhex-marto labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.” Mar uu ka hadlayay lixda tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ay hore u dajisay ayaa wuxu sheegay inay hadda Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo, taageero yar oo la siiyana ay wax ka bedeli doonto guud ahaan dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hormarka.

“Siyaasada dowladda federaalka waxaa ka mid ah in dib loosoo celiyo xidhiidhkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka intiisa kale, waana taas tan aan awoodda badan saarayno,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu khudbad ballaaran ka jeediyay xalay xarunta Woodrow Wilson, isagoo hoostana ka xariiqay horumarka la gaaray iyo in Soomaliya ay ka dhici doonto 2016-ka doorasho xor ah.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Exit mobile version