WAJAALE NEWS

Maamulka Jaamacadda Edna Univerisity Ee Hargeysa Oo La Dardaarmay Ardayda Sanadkan Ku Soo Biirtay Jaamacadda

edna universentyHargeysa (Wajaale News) – Maamulka Jaamacadda Edna University ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Ardayda cusub ee sanadkan ku soo biirtay Jaamacadda.
Xaflad kooban oo uu loo sameeyay soo dhaweynta Ardaydaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Edna, Drs. Edna Aadan Ismaaciil, Madaxweynaha Jaamacada Edna University Rooda Cali, Yaxye Maxamuud Ubaxle oo ka mid ah maamulka Jaamacadaasi, Macalimiinta iyo ardayda cusub ee wax ka baran doonta Jaamacadaasi.
Hadal kooban oo ay ugu horeyn

Madaxweynaha Jaamacadda Edna Marwo Rooda Cali, halkaasi ka soo jeedisay ayaa waxa ay ku sheegtay in ay jaamacadda Edna University si heer sare ah u soo dhaweynayso ardayda tiradda badan ee sanadkan ku soo biirtay.
Waxa ay kula dardaarantay in ay ilaaliiyaan anshaxa suuban ee Waxbarashadda, kuna dedaalaan sidii ay wakhtigooda u ilaalin lahaayeen.

Dhinaca kale waxa ay u balanqaaday ardaydaasi in ay ka maamul ahaan ka caawin doonaan sidii ay waxbarashadooda ugu sii wadan lahaayeen iyaga oo aan dhibaato dareemayn. ?waanu soo dhawaynaynaa ardaydayada cusub ee sanadkan nagu soo biiray, waxaanan idin leenahay ku soo dhawaada jaamacada Edna Aadan University, jaamacadu waxay  furnayd mudo sanad ah waxaanay ka kooban tahay dhawr kuliyadood oo ay ka mid yihiin shaybaadhka,kalkaalisada caafimaadka iyo caafimaada guud(Public Health) iyo kuliyada lagu barto suuxdinta, tirada ardayda joogtaana waa ilaa 270 arday?
?waxa jiro qolooyin doonaya upgrading, waxa kale oo jira qolooyin dhigtay Diploma oo loo samayno in kor loo qaado kuwaas oo ku jiri doona hal sano iyo badh, qolo sadex sanadood iyo badh ayaa jira kuwaas oo qaadanay Degree caadi ah, macalimiinta waxay u kala dhigaan kuliyadaha kala duwan inta horana waa la wada dhigtaa , macaliintu in  joogto ah ayaa jirta, waxa kale oo jira macalimiin debada ka timaada oo bixiya koorsooyin gaagaaban,.?
Shuruudaha jaamacada waxa ka mid ah inuu ardaygu ugu yaraan imtixaanaadka keeno darajada C imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare   in kasta oo ay jiraan caqabado badani jiraan, inuu imtixaanka jaamacada lagu galayo ka baxo, inuu maadooyinka Science si fiican u soo bartay, isku shaandhaynta u horaysa wasaarada tacliinta gaar ahaan xafiska imtixaanaadka ayaa shahaadooyinka nala sameeya kaas oo naga soo hubiya, waxa kale oo nagala shaqeeya xafiiska wasaarada tacliinta kuwaas oo nala eega shahaadooyinka, shaandhaynta ugu danbaysa waxa sameeya anaga oo imtixaanaadka lagu galayo jaamacada ka qaadna.

Guddoomiyaha Jaamacadda Edna University Marwo Rooda Cali
Qaar ka mid ah macalimiinta Wax ka dhiga Jaamacadda Edna Univerisity oo iyaguna la hadlayey ardayda ayaa ku booriyey in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo la qabsada jaamacadda dedaalkoodana isugu geyn lahaayeen in ay halkaasi ka sii wadaan.
Gabogabadiina Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo la hadlayay ardaydaasi ayaa ku boorisay in ay noqdaan kuwo u soo jeeda Waxbarashadda.
?Waxa aan idin leeyahay noqda arday u soo jeeda waxbarashadda, runtii markii aan aasaasay jaamacaddan anigu waxa aan lahaa Aragti dheer oo ku saabsan sidii aan dadkaygan iyo dalkaygan uga tagi lahaa wax hadhaw anfaca.
Idin ma aqaano qolooyinkiina, laakiin waxa inaga dhaxeeyaa waa qalinkaas, kaas baa maanta laga bilaabo aynu ku wada abtirsanaynaa, laakiin hadii aad khalad gashaan hadhaw aniga ha ii keenina odayaal iyo dad madax kale, iminkaba in aad ku dhaqantaan wax dhexdeena yaala ayaa loo baahan yahay, Ha igu soo lug goynina odayaal halkaas soo kora? ayay tidhi Marwo Edna.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Exit mobile version