WAJAALE NEWS

Liiska Magacyada Hogaanka Cusub Ee Lagu Doortey Shirweynaha 5aad Ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Ee Somaliland Medical Association (SMA)

 

Shirweynihii 5aad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland Medical Association) SMA ayaa shalay lagu doortey hogaan cusub oo labada sanadood ee soo socda hogaamin doona Ururkaasi, kadib markii uu

Liiska Magacyada Hogaanka Cusub Ee Lagu Doortey Shirweynaha 5aad Ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Ee Somaliland Medical Association (SMA)



Hargaysa(WJN):-Shirweynihii 5aad ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland Medical Association) SMAayaa  shalay lagu doortey hogaan cusub oo labada sanadood ee soo socda hogaamin doona Ururkaasi, kadib markii uu maalintii Khamiistii ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Hogaankan cusub ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland Medical Association) waxa guddoomiye loo doortey Dr.Abdirashid Hashi Abdi, halka guddoomiye kuxigeena loo doortey Dr.Abdiqani Hassan Jamaac,Waxa kale oo la


doortay  7-xubnood oo ka mid noqon doona masuuliyiinta Ururka.

Munaasibadii loo sameeyey gebogebadii Shirweynaha 5aad ee Ururka dhakhaatiirta Somaliland, ayaa waxa ka soo qeybgalay 70-dhakhtar oo ka kala socday gobolada iyo degmooyinka Somaliland,Guddoomiyaha Xilka wareejinaya ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Ibraahim Badde (Dr. Obolos),Dhakhaatiirta ugu waa weyn Somaliland Iyo Marti sharaf kale,kuwaas oo labadii cisho ee uu socday shirweynuhu si qoto dheer u falanqeeyeen qodobo baddan oo la xidhiidha danaha dhakhaatiirta iyo weliba sidii ay adeeg caafimaad oo tayo fiican leh ay u heli lahaayeen bulshada Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Cabdirashiid Xaashi Cabdi  

  

Shirweynahan 5aad ee Ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa waxa lagu soo bandhigay barnaamijyadii u qorsheysnaa inay qabtaan labadii sanadood ee aynu soo dhaafnay waxa ay ku guuleysteen iyo waxyaabihii aanay ku guuleysan waxa sababay.Waxa kale oo shirweynahan shanaad si weyn loogaga dooday siyaabaha wax lagaga qabanayo carqaladihii la soo dersay ee uu ururku la kulmay muddadaasi.

Waxaana shirweynahan cod aqlabiyada lagu ansixiyey qorshe hawleed ay filayaan inuu ururku fuliyo labada sanadood ee soo socda, iyada oo laga duulayo wixii u qabsoomay labadii sanadood ee aynu soo dhaafnay

Ugu danbeyntiina waxa shirweynahaas lagu doortey hogaanka cusub ee Ururka dhakhaatiirta Somaliland, waxaana guddoomiye loo doortey  Dr.Abdirashid Hashi Abdi, halka guddoomiye kuxigeena loo doortey Dr.Abdiqani Hassan Jamaac.Waxa kale oo lagu doortey toddoba xubnood oo ka mid noqon doona masuuliyiinta ururka.

Dr.Abdirashid Hashi Abdi………Guddoomiye

Dr.Abdiqani Hassan Jama…….Guddoomiye ku xigeen

Dr. Yasin Arab Abdi…………Xubin

Dr. Abdirahman Mohamed Nuh….Xubin

Dr. Muse Mohamed Abdi……Xubin

Dr. Abdillahi Muse Yoonis……Xubin

Dr. Esse Abdi Jama…….Xubin

Dr. Jinow Mohamed Qalib……Xubin

Dr. Maryan Abdillahi Dahir…..Xubin

Waxaana furitaankii Shirweynaha  5aad ee ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland Medical Association),ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xogla-toosiye),Marwo Adna Aadan Ismaaciil,Guddoomiyaha Ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka Drs Luul Jirde Xuseen, Guddoomiyaha Xilka wareejinaya ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Ibraahim Badde (Dr. Obolos), Dhakhaatiirta ugu waa weyn Somaliland Iyo Marti sharaf kale.

Wajaale News Desk

Hargeisa Office

Exit mobile version