WAJAALE NEWS

Kulan Sadex geesood oo ay Goroda isdareen UCID,WADANI iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo arimaha lagu gorfeeyay.

Kulan Sadex geesood oo ay Goroda isdareen UCID,WADANI iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo arimaha lagu gorfeeyay.

hargeisa-(Wajaale-news)-Masuuliyiin doora oo ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka  ayaa shalay gelinkii hore goroda isgeliyey kulan balaadhan oo sadex geesooda oo qaatey muddo Afar saacadood ku dhawaada oo ka dhacay Hotel Amabasadoor.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha Wadani Cabdiraxaamn Cirro,Gudoomiyaha Ucid,Gudoomiyaha Madsha wadtashiga iyo Toosinta Xasan Guure  iyo Weliba saciimka madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Ciise jaamac.

Kulankan ayaa sida ilo wareedyo u dhuun daloola Qarannews u sheegeen lagaga dooday arimo doora oo ku aroora xaalada maanta dalku ku sugan yahay, waxaa kaloo layskula soo hadal qaadey sidii sadexdooda geesod aragti iyo talo midaysan uga yeelan lahaayeen xaalada murugsan ee dalku galay iyo sidii ay u sixi lahaayeen ama u toosin lahaayeen khaladaadka siyaasadeed ee waxyeelo u keeni kara qaranimada Somaliland ee xukumada Siilanyo dhex dabaalanayso.

Geesta kale waxaa kulanka layskula soo qaadey sidii xukumada Siilanyo,gudiga doorashooyinka Somaliland iyo deeqbixiyayaasha daneeya arimaha doorashooyinka somalilandba culays loogu saari lahaa in doorashooyinka madaxtooyada iyo barlamaanku aanay dib uga dhicin waqtigii loo mudeeyay.

Isku soo wada duuboo sida ilahaasi tibaaxeen  kulankan shalay mid ka balaadhan ayaa loo balamay maalmaha soo socda sidii fulinta qodobadaa loo sii anbaqaado.

 

 

Wajaale news Desk

 

Exit mobile version