WAJAALE NEWS

Gurmad Ka Socda Xukuumadda Oo Wasiir Abiib-Timacad Hor-kacayo Oo Gaadhay Goobtii Cagafta Dawladda Hoose Sida Arxan-darrada Ah Uga Burburisay Qoyskii Maskaxda Ka Jirranaa Iyagoo Aad Uga Xumaaday Ballan-qaadayna In Isla Goobtii Ay U Dhisaan (SAWIRRO)

Gurmad xooggan oo uu hor-kacayo Wasiirka Warshadaha Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timacad) ayaa

Hargeysa (WJN):- Gurmad xooggan oo uu hor-kacayo Wasiirka Warshadaha Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timacad) ayaa shalay duhurkii gaadhay goobtii sida naxariis la?aanta ah ay dawladda hoose uga burburisay qoyskii tabaalaysnaa, ee u badnaa dadka maskaxda ka jirran.

Gurmadkan oo xukuumadda ka socday ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo Xildhibaan C/laahi-black, waxaanay dareen naxdin leh ka muujiyeen habka foosha xun ee loola dhaqmay qoyskaasi.

Wasiir Abiib Diiriye ayaa calaamatu su?aal weyn saaray falkaa foosha xun ee sida gaarka loogu geystay qoyskaasi, isagoo goobtii ka sheegay inay ka xukuumad ahaan

gurmadka qoyskaasi ka qayb-qaadanayaan isla markaana ay goobtaasi uga dhisayaan guri jiingad ah.

Waxa sidoo kale uu wasiirku sheegay in Maamulka Dawladda Hoose ay isla qaateen in wada-jir ay Qoyskaasi ugu raadiyaan goob la dejiyo oo ay salka saaraan. Inta ka horreysana halkaa laga dumiyey loo daayo iskana sii degenaadaan oo xukuumadduna buulashii laga dumiyey ugu bedesho guri Jiingad ah.

?Goobtan aanu taagannahay waxay ka mid tahay degmada Koodbuur, waxaa deggen qoys aad iyo aad u jilicsan oo dad waalwaalanna haysta, in la isku naxariistaana Islaamnimaday ka mid tahay?? Ayuu yidhi Wasiir Abiib Diiriye oo aad uga naxay dhibaatada ka dhacday goobta.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata aad-na ula yaabban arrintan uu yidhi ?Halkan Dawladda Hoose ayaa dumisay, waxaanay yidhaahdeen waa waddo, runtiina waa waddo, laakiin waxaa kasokeeya Boqol guri oo waddadaasi yaalla kuna jira, markaa sababta qoyskan dhibban ee jilicsan loogu soo horreeyey ma aanaan garan?

Markii gurmadkaasi ka socday xukuumaddu ay warbixin aad looga damqaday goobtii kaga dhagaysteen inantii kali ahayd ee qoyskaasi ka fayoobayd, ayaa waxay  bulshada Somaliland gaar ahaan inta ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddaba ugu baaqeen inay usoo gurmadaan qoyskan oo ay soo taakuleeyaan.

Maaha gurmadkii ugu horreeyey ee qoyskaasi gaadha, balse waxaa ka horreeyey oo hiirtii waaberi kallahaad ugu tagay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo xilligaasi dul-joogsaday qoyskaasi oo tuuya-fadhiya kuna qureecanaya goobtii ay Cagaftu digaan-digta ka dhigtay oo haatan ah meel bannaan ah.

Xildhibaan Nac-nac ayaa argagax ka muujiyey goobta ay qoyskan Cad-ceeddu ugu soo baxday, waxaanu ka dar-daar weriyey cawaaqib-xumada ka dhalan karta hamadayga Hargeysa ee habeenimadii iyo Milicda qorraxda ee loo dhigay qoyskaasi.

Qoyskan oo la yidhaa reer Cabdi Ismaaciil ayaa waxaa ka fayow oo kaliya inanta la yidhaa SAADO. Waxaanay goobtaa ay deggenaayeen muddo ka badan 17 Sanno. Waxaanay goobtaasi ku taallaa cidhifyada ugu shisheeya xaafadaha Sheedaha ee waqooyiga Magaalada Hargeysa.

Wajaale News Desk

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version