WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO oo ka Qayb-galaaya shirweynahe Caalamiya.

Gudoomiyaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO oo ka Qayb-galaaya shirweynahe Caalamiya.

 

SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir isna ka qayb galay shirweynihii dhallinyarada adduunka

Guddoomiyaha Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md.
Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa maanta u ambabaxay Caasimadda wadanka
Malaysia ee Kuala Lampur isaga oo dalkaasi kaga qayb gali doona
Shirweyne Caalami ah oo lagaga hadalyo Xaaladda Tahriibta
Dhallinyarada oo dunida fara baas ku haysa, iyada oo shirkan si rasmi
ah loogu marti qaaday Dhallinyarada Somaliland.
Shirweynaha Tahriibka Dhallinyarada waxa soo qaban qaabiyay
ururweynaha Dhallinyarada adduunka “World Assembly of Youth (WAY)” oo
ah urur dhallinyaro heer Caalami oo la aasaasay sannadkii 1949-kii.
Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ka dhoofay
Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo warbaahinta la hadlaayey u
sheegay in ka qayb galka shirkaasi muhiimad ballaadhan ugu fadhiyo
Somaliland oo si rasmi ah shirkaasi loogu soo casuumay isaga oo kulamo
gooni gooni ah la yeelan doona ka qayb galka shirka ka sokow
Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Urur-weynaha Caalamiga ah ee
WAY ee shirkan qaban qaabiyay oo iyagu si gaar ah u danaynaya xaaladda
dhallinyarada Somaliland.
Shirweynaha Tahriibka Dhallinyarada ayaa ku soo beegmaya wakhti
heerkii ugu sarreeyey ay marayso xaaladda Tahriibta Dhallinyarada
Somaliland arrintaasi oo kor u qaadaysa muhiimadda shirkani inoo
leeyahay isaga oo si toos ah u taabanaya xaaladda dhallinyarada
Somaliland iyada oo dunidu si weyn u dareensan tahay Tahriibka
Dhallinyarada oo imika noqonaysa Mushkilad heer Caalami ah.
Shir-weynahan ayaa 12-ka illaa 14-ka Bishan September ku qabsoomi
doona Magaalo ku taalla duleedka Caasimadda wadanka Malaysia ee Kuala
Lampur iyada oo la filayo in uu shirweynahaasi khudbad dheer ka jeedin
doono Guddoomiyaha dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md.
Mubaarik Ismaaciil Taani, taasi oo fursad weyn u noqon doonta in codka
Somaliland gaar ahaan dhallinyaradeedu gaadho shirarka caalamiga ah ee
dunidu isku aragto maadaama ay shirkan ka soo qayb gali doonaan in ka
badan 120 Xubnood oo saraakiil dhallinyaro ah oo ka kala socda 120
waddan oo dunida ah. Guddoomiyuhu waxa uu khudbadiisan ku qaadaa dhigi
doonaa xaaladda dhabta ah ee Dhallinyarada Somaliland gaar ahaan
Tahriibta.
Horraantii sannadkan ayay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka dalladda
SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir isna ka qayb galay shirweynihii
dhallinyarada adduunka ee ka dhacay dalka Mangolia oo si rasmi ah
loogu soo casuumay dhallinyarada Somaliland. Ka qayb galka shirarkan
ayaa si weyn kor ugu qaadaya meeqaamka diblomaasiyadeed iyo ka qaybgal ee Somaliland oo ay Codkeeda kula wadaagayso beesha caalam

 

 

 

 

WAJAAALE NEWS DESK

 

Hargeisa Office

 

 

Exit mobile version