WAJAALE NEWS

Dawlada Zimbabwe Oo Dhisaysa Garoonka Diyaaradaha Ee Ugu Wayn Qaarada Afrika.

Dawlada Zimbabwe ooMaamulka Duulista hawada ee dalka Zimbabwe oo marka magacooda la soo gaabiyo loogu yeedho, (CAAZ) ayaa shaaca ka qaaday in Madaarka ugu dheer Qaarada Afrika ay ka hirgalinayaan oo ka dhigayaan Madaarka caasimadda dalkaas ee Harare, kaas oo lacag dhan shan milyan oo dollar ay ugu badali doonaan ka ugu dhabaha dheer qaarada Afrika.

Mashruuca lagu cusboonaysiinayo Madaarka magaalada Harare oo ka dhashay hoos u dhac ku yimi madaarkaas, oo muddo 29-sanadood ah dayactir aan lagu samayn, ayaa waxa ku bixi doona shan Milyan oo dollarka Maraykanka ah, waxaanu ku dhamaan doonaa bisha December ee sanadkan.

Maamulaha Madaarka Harare Jerry Ndlovu, oo ka hadlaya balaadhinta Madaarka ayaa yidhi, “Wuxuu noqon doonaa ka ugu dhabaha dheer (Runway-ga dheer) guud ahaan Qaarada Afrika”.
Madaarada ugu waaweyn dunida ayaa dherarkoodu yahay 4,4 km sida Madaarka Johannesburg, Berbera iyo kuwo kale oo ka mid ah kuwa ugu dhabaha dhaadheer dunida.

Waxyaabaha kale ee mashruucan lagu hir galin doono ayaa waxa ka mid ah, dib u habaynta qalabka diyaaradaha haga ee Madaarka oo laga dhigi doono kuwa dunida ugu casrisan, waxa kale oo uu Madaarkaasi dib u habayn loogu samayn doonaa qaybaha nadaafada iyo adeega rakaabka qaabilsan.

Dedaalkan balaadhan ee hayada Duulista hawada u qaabilsan Zimbabwe samaysay ayaa Madaarkaas ka badbaadin doonta, xayiraadii shirkadaha diyaaradaha waaweyn ee dunidu, ku joojiyeen duulimaadyadoodi, ka dib markii ay ku qanci waayeen adeega Madaarkaas, waxaanay duulista hawada Zimbabwe kaga jawaabtay dib u sixid iyo horumarin gaadhsiisan in ay ka dhigaan dhaaba ugu dheer qaarada Afrika.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Exit mobile version