Ardaydan ayaa taayiro ku gubay afaafka hore ee jaamcada kuwaas oo ah ardayda cusub ee sanadkan bilaabaysa jaacamada.
mudaharaadkan ayaa waxa uu ka dhashay lacag ah 43 dollar oo lagu kordhiyey jaamacada
kuwaas oo sheegay inaanay kari Karin lacagtaas.
Hadaba farxaan cabdi jaamac oo ah arday dhigta jaamacada hargaysa oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inaanay qaadi Karin lacagtaas waxaana uu yidhi???waxaan leeyahay guddomiyaha jaamacada hargaysa cabdi xuseen gaas go,aanka aad gaadhay ee aanay ardayda jaamacadu ka sinayeyn ka fiirso angu waxaanu nahay danyara aan waxaba haysan haduun lacag haysano waxaanu tagi lahayn jaamacadaha kale, ee go,aanka aad gaadhay hadii ay wasiiradu kula ogtahay oo aad ku shuraakowdeen inaad ardaydan lacag aad ka samaysaan si ay cashuurtu idiinku badato,,sidaas ayaa uu yidhi farxaan cabdi jaamac.
Sidoo kalen waxa halkaas ka hashay aamin xasan cabdi oo ah walidiinta ardayda ay ka dhigtaa jaamacada hargaysa waxaanay tidhi??ardayda culayska haysta iyo dhibaatada haysata waxa ka masuul ah dawlada,hadaanay dawladu hoos u eegin ardayda waa looga dareeri,wasiirada waxbarashada samsam cabdi aadan war mahayso oo waxa ay joogtaa uun wasaarada ee wadanka dhib ayaa taal oo tahriib ayaa yaal ee waxaan leeyahay maanta hadaan ardayda lacagtaas aan laga dayn inta hadhayna way ka bixi oo way tahriib.
Waxa kale oo ay sheegtay aamin xasan cabdi inaanay wasiiradu xilkii loo igmaday ay gabtay waxaanay tidhi?? tusaale ahaan imika ardaydii dhamse dugsiyada sare waxay wada keneen halkii ugu hoosayse anigu waxaan ahay agoon oo caruur ayaa jaamacada iigu jirta 4afarta inan ee ii jooga ha iga saarina dhib iyo tahriib taag uma hayee guddomiye.
Dhanka kale goobtaasi ay ku mudaharaadayeen ardaydu waxa soo gaadhay wasiirada waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliland marwo samsam cabdi aadan iyo taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto cabdilaahi fadal iimaan si ay uxaliyaanm dhibaatada meesha taala.
Wasiirada ayaa ka gaabsatay in ay la hadasho warbaahinta iyadoo ardaydana ka codsatay in ay isdejiyaan walawo ay ardaydu aanay dheg udhigin hadalada wasiirka oo ay iska siiwateen mudaharaadkoogi ilaa uu taliyaha ciidanka bilaysku ugu hanjabay ardayda inay joojiyaan mudaharaadka, dabkana bakhtiiyaan haddii kale uu talaabo sharciya ah uu ka qaadidoon(sharciga cidna looga biqi maayo ,hadaad joojin waydaan mudaharaadka talaabo sharciga waafaqsan ayaanu idinka qaadi ) ayuu yidhi taliyaha boolisku somaliland sareeye guuto cabdilaahi fadal iimaan.
Intaasi ka dib goobtaas waxa soo gaadhay damdamiska dawlada hoose oo bakhtiiyey dabkii ay shideen ardayda ka cabanayey lacag sida ay shegeen uu kur dhiyey guddomiyaha jaamacada magaalada hargaysa cabdi xuseen gaas.
Wajaale News
Hargeysa Office