WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Juba Land Oo Qarax Ismiidaamin Ah Lagu Qaaday iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Kismanyo (Wajaale News) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu saarnaa hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubbooyinka Axmed Maxamed Islaan (axmed Madoobe).
Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur, waxaana wararku sheegayaan in faahfaahin rasmi aan laga heyn.
Waxaa wararku ay sheegayaan in rasaas laga maqlayo magaalada gudaheeda, halka dhinaca Isgaadhsiintuna ay maanta ka go´an tahay Magaaladda Kismanyo.
Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo kadib markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho oo uu

ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka tirsan dowladda federalka.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan waxa uu heshiis magaalada Addis Ababa kula galay dowladda federalka ee Soomaaliya oo muddo khilaaf u dhaxeeyay.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku sugan ciidamada Kenya oo ka saaray al-Shabaab halkaasi iyo xoogag u daacad ah Axmed Madoobe.

Geesta Kale Madaxweynaha Dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkaasi lagu weeraray Madaxweynaha Juba, waxaanu ku tilmaamay mid aad u fool xun

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Wajaalenews.com

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version