WAJAALE NEWS

Waxgarad iyo Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Beesha Koonfur Galbeed Hargeysa oo Ka Hadlay War Wada Argagaxiso Ka Dhigaayay Beeshaas oo ay Faafintiisa ku Lug Lahayd Madaxtooyadu Laguna Baahiyay Mareeg Wasiirka Madaxtooyadu Iska Leeyahay

Hargeysa (Wajaale News) – Waxgaradka Degmadda Axmed Dhagax ayaa sheegay in ay fajaciso iyo wax laga xumaado ku noqotay war lagu baahiyay mid ka mid ah Mareegaha Hoos tagta Xukuumadda oo sheegayay in ay dadka deegaankaasi wadaan qorshe ah in la khaarajiyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.
Mareegtan oo isku xidhay dadka deegaankaasi iyo urur siyaasadeedkii xaqsoor ayaa waxa ay ku tilmaameen in ay la leexatay dariiqii wanaagsanaa isla markaana isu soo jiidaysay dadka walaalaha ee ku wada dhaqan Caasimadda.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen shabakadda saaxilnews xafiiskeeda Magaaladda Hargeysa.
Waxgaradkan oo ay magacyadoodu kala ahaayeen Oday Maxamuud Xuseen Xirsi,
Cabdilaahi Haybe iyo Sheekh Muxiyadiin Muuse Dage, ayaa waxa ay ku yidhaahdeen

Waxa aanu la yaabnay war aan qofkii qoray anshaxiisu ka madhnaa isla markaana aanu u qaadanay in uu u ogol leeyahay in lagu booqdo mareegtiisa.
Warkaasi waxa uu odhanayay Dadweynaha ku dhaqan Degmadda Axmed Dhagax iyo Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor ayaa waxa ay wadaan weeraro aar goosi ah oo ay masuuliyiinta xukuumadda ku bartilmaameedsanayaan.
Wax aaanu leenahay Mareegtaasi, warkaasi waa been iyo wax aan sal iyo raad toona lahayn, aakhirona wax la odhan doono soo cadee in aad umadda walaalaha ee meel ku wada dhaqan in aad u baahisaa waa xaaraan.
Runtii waxa aan doonayaa in aan u sheego in ururka Xaqsoor uu yahay urur siyaasi ah, Degmadda Axmed Dhagax oo ah mid balaadhana ay ku wada dhaqan yihiin dadyoow kala jaad ah? ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Dadka degmadda Axmed Dhagax aan marnaba looga baqo qabin in ay nabadii ay iyagu ilaahay ka sokow masuuliyadeeda lahaayeen ay gacantooda wax ku yeelaan ?Looga baqan maayo dadka degmada Axmed dhagax ku wada dhaqan ama beesha Arab in ay wax yeesho nabadii ay ilaahay ka sokow iyagu gacantooda ku keeneen, laakiin hadii maangaabka warkaasi qoray uu leeyahay waxa degmadaasi ka soo jeeda Hogaamiyaha Ururka Alshabaab, waa macno kale, Somaliland-na anaga ayaa diyaar u ah in aanu difaacno.? ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Warkaas ay wax garadku daba socdeen ayaa waxa uu u dhignaa sidan
Halkan Hoose Ka Akhriso Warka Wasiir Xirsi U Gudbiyay Mareegtan uu Iska Leeyahay

QAAR KA MID AH TAAGEERAYAASHA URURKII XAQSOOR OO KU HAWLAN FALAL AMNIGA LAGU KHAL KHAL GALINAAYO.
(SLT- Hargaysa) xubno ka mid ah taageerayaasha Ururka Xaqsoor ,ayaa si hoose ugu hawlan falal ammaanka khatar ku ah .kooxdan mayalka adag, ayaa shir ay ku yeesheen habeenkii xalay xaafada Axmed Dhagax. Sida ay warar hoose ku heshay Shabakada wararka ee SLT ,waxay kooxdan taageerayaasha Xaqsoor ahi ku go?aan sadeen shirkaas,in sida ugu dhaw ee ay ururka Xaqsoor ugu aari karaan tahay iyadoo ammaan darro dhuumaysiya sameeyaan.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ku helnay dhaq-dhaqaaqa kooxdaas,waxaa ka mid ah qodobada ay isla qaateen, in weeraro hubaysan oo gaadhsiisan toogasho laga fuliyo caasimada hargaysa.arrintan ayaa noqonaysa isku daygii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay isku dayaan qaybo ka mid ah shacabka Somaliland, sidoo kale waxay arintani ceeb ku noqonaysaa xukuumada Somaliland oo ay ahayd inay gacan bir ah wax kaga qabato,ama ay mabnuucdo dhaq-dhaqaaqa ururkaas maadaama oo aanu ahayn mid sharci ah.
Geesta kale waxaan la garanayn ciday kooxdani ugu aarayaan,iyagoo aan min qiyaas ku samayn cawaaqibka xukuumada ee ka dhalan kara falkan oo keeni kara inuu bulshada ku celiyo nidaamkii beeliba beel kale iska celin jirtay,kaas oo ay Somaliland hore uga soo gudubtay. Ururka Xaqsoor oo ka mid ahaa ururadii ku hadhay tartankii doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka ka qabsoomay sanadii hore,ayaanu hada gudoomiyihii ururka Xaqsoor iyo kooxdani tageerta ee mayalka adagi ay ku qanci la yihiin natiijadaas, iyadoo uu hadda ka mid yahay Gudoomiyihii Ururkaasi xubnaha kooxda la baxday Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka isla markaana ku dhawaaqay in ay qabanayaan shir Qaran,halka qaybihii kale ee ka tirsanaa ururka Xaqsoor ku dhawaaqeen in ay ka tanaasuleen mawqifkii ay ku qaadaceen natiijada .iyadoo ay Somaliland soo martay doorasho Madaxweyne oo lagu kala helay 80 cod ,iyada oo ay dhinacyadii tartanku dhexmaray iyo taageerayaashoodii danta Somaliland eegeen isuna tanusulay.
Laba habeen ka hor ayaa dil ku cusub Somaliland lagu khaarajiyey xaafada Siinay oo ka tirsan Degmada Axmed Dhagax,nin shicib ah,kaas oo dilkiisa loo adeegsaday saddex xabo oo laga riday bastoolad. Ayaa lagu yidhi Warkaasi ay baahisay Mareegta Qoriga Dabka Leh La Wareegalaysanaysaa.
Warkan ayaa sida la xaqiijiyay waxa margeetan uu iska leeyahay wasiirka madaxtooyadu u gudbiyay wasiir xirsi iyadoo qoyska madaxtooyaduna wasiirka la ogyihiin qorshahan waxaase ayaan darro ah in wasiir xil ka haya xukuumaddu uu aflagaado nocan ah u gaysto beel dhan oo sheekh iyo shariifba leh arintaas oo aad uga cadhaysiisay dadkan

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version