WAJAALE NEWS

Wasiirka Khaarajiga oo Durdiiba Ku Simbiririxday Saaxadda Siyaasadda

Hargeysa(WJN)-Wasiirka aan weli ku Toddoba-bixin Xafiiska Wasaarada Arimaha Dibedda Somaliland

Hargeysa(WJN)-Wasiirka aan weli ku Toddoba-bixin Xafiiska Wasaarada Arimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga war-bixinayo xogo la xidhiidha dhacdooyin xogo-is-khilaafsan, kuwaasoo shaki bulshada ku abuuri kara, haddii aanu Wasiirku u saafi qayaxan halka ay salka ku hayaan iyo ula jeedadooda.

War-saxaafadeedka oo soo baxay Khamiistii Toddobaadkan oo ahayd Maalintii (Kabiir iyo Saqiir) yar iyo Weyn Shacbiga reer Somaliland iyo Shucuubta Muslimiintu ku Mashquulsanaayeen debaal-dega iyo farxada munaasibada Diiniga ah ee Ciidal-Fidriga, waxa uu Wasiirku qaar ka mid ah Sadarada hore ku sheegay in Somaliland tahay Qaran 18-kii May 1991-kii Madax-bannaanidiisa la soo noqday, kadib markii uu ka laabtay midnimadii uu hore (1960-kii) la galay Soomaaliyadii

Talyaanigu gumeysan jiray. Sidoo kalena, leh Dastuur qeexaya in awooda keliya ee xukumaysa Badda iyo Berriga dalka ay tahay Dawladda Somaliland.

Geesta kale, War-saxaafadeedka Sadarada dambe, iyana waxa uu Wasiirku ku xusay arimo sidaa ka gedisan oo sheegaya in Somaliland kula shaqeyn doonto Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka-ba qoddobadii lagu gaadhay Axdigii Kampala (Ugandha) ee soo bilaabmay Sannadkii 2010-kii ee lagu taageerayey qabsoomida Shirkii kal-Saddexaad (2011) Soomaaliya loogu qabtay Magaalada London ee Xarunta dalka Ingiriiska.

Haddaba, waxa isweydiintu tahay Wasiirku ma waxa uu saxan yahay marka uu leeyahay Somaliland waa Qaran Madax-bannaan oo sida Dastuurku qeexayo awood u leh xukunka Dhulka iyo Biyaha Somaliland, mise marka uu leeyahay Somaliland waxay Dawlada Faderaalka Soomaaliya kula shaqeynaysaa go?aamada Axdigii Kampala..?. Waxa kaloo, iyana xusid mudan muxuu ahaa Axdiga Kampala.? Maxay?se Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u qarisay haddii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya bilaabmeen ka hor Shirkii London ee 24 March, 2011-kii..?.

Waxaan qabaa in arinkani aanu u baahnayn faahfaahin dheer oo lagu xiiqo. Waayo.? Gudcur iyo Cadadu sida aan la isugu khaldi Karin, ayaa qof kastoo reer Somaliland ahina ay ugu kala cad yihiin labada hadal ee aan is qaban, balse Wasiirku isku Xarfadee islahaa.

Hase-ahaatee, marka taa laga yimaado, arinka isdul-taaga u baahani, waxa uu yahay Sadarada ka hadlaya arin War-saxaafadeedku ku sheegay Axdigii Kampala, kaasoo War-murtiyeedku ku fasiray mid Jamhuuriyadda Somaliland Faral-kaga dhigaya inay Dawladda Faderaalka Soomaaliya inay hagar-la?aan ugala shaqeyso Sugida Amniga Badda Soomaaliya.

Axdiga Kampala ee Wasiir Maxamed Cuskaday isagoo baqe ka qaba heshiis Dawladda Faderaalka Soomaaliya la gashay Shirkad lagu magacaabo ?Private Maritime Security Group Atlantic Marine and Offshore (AMO)?, oo gacanta ku hayn doonta Maamulka iyo Maareynta Badda Soomaaliya, oo xayn-daabka Biyaha Badda Somaliland-na ay ku jiraan. Haddaynu dib u milicsano bilowgii hindisaha Axdiga Kampala, waxa uu ka dhashay ajende la curiyey 15-kii October, 2011, waqtigaa waxa lagu suntay magaca qorshaha ?Muqdisho Road Map?, kulankii u horeeyey waxa Taariikhdaa aynu kor ku soo sheegnay uu ka dhacay isla Magaalada Muqdisho, iyadoo goob-joogeyaashii Shirkaa ay kala ahaayeen Dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya Maamul-Goboleedka Puntland, waxana Muqdisho RoadMap? uu qeyb ka ahaa qorshihii la magac baxay Axdiga Kampala (Kampala Accord) ee gundhigiisu ahaa dhismaha Dawlada Soomaaliya.

Sidaa darteed ajendaha laga doodayey waxa uu ahaa sidii loo sugi lahaa Badda Soomaaliya, gebo-gebadii kulankaa waxa lagu go?aamiyey in dalka Ugandha lagu qabto Shir, kaasoo ay qeyb ka yihiin Somaliland, Puntland iyo Dawladii KMG Soomaaliya, si wadajir la isku la meel dhigo fulinta arinkan iyo hirgelinta Siyaasadeedaba, Shirkaana waxa loo mudeeyey 12-14 March 2013, kaasoo gunnaanadkii lagu go?aamiyey Xeer ka kooban 11 qoddob oo qeexaya Maamulka iyo Maareynta Awoodda Badda Soomaaliya. Sidoo kale Xeerka waxa uu si cad u bayaaminayaa in cidda leh awoodda dhaqan-galka Xeerkan oo ah Dawlada Faderaalka Soomaaliya, maadaama waxa laga hadlayaa ay tahay Badda Soomaaliya oo haba-yaraatee dooddiisa iyo qabyo-qoraakiisaba aanu meelna kaga jirin Sadar tilmaamaya awood maamul oo Somaliland ku leedahay Biyaha Badda Soomaaliya oo ka kooban Min Saylac ilaa Raaskaanbooni.

Sidaa awgeed, waxa War-murtiyeedka Wasiirka ka muuqda in aanu wax badan kala socon Xidhiidhada Siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, kulannadii hore ee labada dhinac iyo sidoo kale habka iyo hannaanka giraantu Mandaqadu u socoto, waxaana arrimahaa daliil u ah Sida uu daaha uga rogay in Xukuumadda Somaliland qeyb ka ahayd Axdigii Kampala, halka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aan hore looga maqal ka qaybgalka Shirar aan ahayn kuwii ka dhacay London, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo ay la yeelatay Dawlada Soomaaliya.

Waxa kaloo, iyana xusid mudan, tilmaan-na u noqon karta inta ay le?eg tahay khibrada Siyaasadeed ee Wasiirka sida uu isugu Cayn iyo Bayd jaray awooda dhinaca maamulka ee Xukuumada talada haysa uu siiyey Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qabyo-qoraalada Axdiyada Dawlada Fadeeraalka Soomaaliya ku dhaqankiisa loogu tala-galay. Tusaale ahaan sida ku cad Sadarada ugu horeeya ee War-saxaafadeedka Wasiirku, kuwaasoo uu sheegay awoodda Dastuurku [Somaliland] siiyey kolba Xukuumadda markaa joogta awooda Maamul ee dhulka iyo xayn-daabka Badda Somaliland, halka Sadarada kuwaa xiga uu ku muujiyey baqdin iyo cabasho loo fasiran karo in aanu Wasiirku kalsooni ku qabin jiritaanka Somaliland iyo Dastuurka Qaranka, balse uu aaminsan yahay in Xeerka iyo Shuruucda Dawladda Faderaalka Soomaaliya ee lagu sar-jaray saami-qeybsi Goboleedyo kuna arooraya nidaamka Faderaalku kuwo damaanad qaad u noqon kara jiritaanka dal ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama Caalamku ugu talo-galay dib-u-dhiska Soomaaliya nidaam dawli ah oo ay yeelato.

Docda kale, waxa tallaabadan ugubka ah ee Wasiirku la Shir yimi ay layaab weyn ku abuurtay qeybo ka mid ah bulshada Somaliland oo iyagu markii hore ku shawakhay amaantii xad-dhaafka ahayd iyo sidii tan-dhaafka ahayd ee loo buun-buuniyey, taasoo sida laga hayo Wasiirkii Warfaafinta ee Hilter ku cel-celintii faraha badnayd ee amaanta Wasiirku, dad badan oo aan fikir hore ka haysan ku abuurtay fikir odhanaya in Wasiirku yahay rug-cadaa Siyaasi ah oo buuxin doona wax badan oo Somaliland ka qabyo, hase-ahaate markii tani dhacday maanta gacmaha Dhabanada ku ilaaween, kadib markii ay soo taabteen inay kala duwan yihiin wixii looga sheegay iyo waxa uu yahay Wasiir Maxamed Biixi, gaar ahaan fahanka uu ka haysto Siyaasada Mandaqada iyo sida uu uga xog la?yahay habka iyo hannaanka Dibedd iyo Gudo-ba Giraanta Siyaasada u rog-mayso iyo sidoo kale in Wasiirku durdiiba ku Simbiririxdaday Saaxadda Siyaasadda, isla markaana khibrada waayo-aragnimadiisu tahay mid ka aradan Siyaasada Kursiga, kuna kooban dhinaca kaalmooyinka gar-gaarka ah ee dadka ka shaqeeya hore laga qoray Buuggii Caanka ahaa ee Qab-qableyaasha Faqriga (Lord of Poverty), wax?se la hubsan doonaa in tallaabadani Wasiirka u noqoto Cashar uu wax ku qaato, kagana waantoobo fudeyd iyo Seef-la-boodnimo dambe waxaanu noqon Nin qaatay tallada Sheekadii Caanka noqotay kuna saabsanayd ?Ninkii Guuraha galay ee Kurtinka Geedka Bahalka mooday?, dabadeedna markuu Subaxdii ogaadayna ku tiraabay hal-hayska caanka ah ee; ?..Ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin, waxaan ku mooday Bahal, Waxaad?se noqotay Kurtin, waxaan?se loo noqon doonin Guurre dambe oo Habeenimo..?. Ama waxa uu noqon Nin Ib-tilaysan oo wax-tar daaye Adhaxda lagaga jabo.

 

Xigasho

Yool

Exit mobile version