WAJAALE NEWS

Wasiir Ku-Xigeenka Amniga Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ay Mudo Lix Maalmood Ah Xarunta CID-da Ugu Xidhan Yihiin Madax-dhaqmeed La Sheegay Inuu Ka Been Abuuray

Madax-dhaqmeedkan oo ay ku jiraan Suldaan Aadan Xasan Cabdillaahi iyo Ugaas Xuseen X. Geele oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlannaa sidii ay Xal uga gaadhi lahaayeen Khilaaf u dhaxeeyey laba Ardaa

Hargaysa(WJN):-Sideed xubnood oo iskugu jira Madax-dhaqmeed iyo Cuqaal, ayaa la  sheegay inay Mudo Lix maalmood ah sifo sharci-daro ay ku tilmaameen ugu jiraan xarunta CID-da ee Caasimadda Hargaysa, kadib markii sida la sheegay uu Xadhigooda Amray Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaarada arrimaha gudaha Cabdillaahi Obokor.

Madax-dhaqmeedkan oo ay ku jiraan Suldaan Aadan Xasan Cabdillaahi iyo Ugaas Xuseen X. Geele oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlannaa sidii ay Xal uga gaadhi lahaayeen Khilaaf u dhaxeeyey laba Ardaa oo ku Muransanaa deegaanka Bali-golis

oo ka tirsan degmada Samo-wanaag, ayaa Ilo wareedyo la socday xadhiga Odayaasha ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen in xadhigooda uu Amray Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Obokor, isla markaasna ay Amarkiisa mudo lix maalmood ah ay ku xidhan yihiin, waxaanay qabashadoodu ka dambaysay, kadib markii ay Xafiiska Wasiir ku xigeenka ku booqdeen Sideeda Xubnood oo afar-ba ay dhinac ka socotay, isla markaana ay Warbixin ka siiyeen arrimaha ay wax ka qabteen iyo hawsha dhex-dhexaadinta laba ardaa inta u dhiman, balse markii ay Warbixintaas dhameeyeen ayuu Wasiir ku xigeenkii ka dalbaday inay dibada ku sugaan intay Go?aanadan dib u eegayaan Isaga (Wasiir ku xigeenka Amniga ee arrimaha gudaha), Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha guud ee isla Wasaarada arrimaha gudaha, hase yeeshee waxa ay  Xogahaasi sheegeen in Xubnahaas Madax-dhaqmeedka iyo Cuqaasha isku jirey loo dalbaday Ciidan Boolis ah, kadib-na loo qaaday xarunta CID-da, halkaasoo ay ku xidhan yihiin mudo Lix maalmood ah, iyadoo aanay wax Maxkamad ahi  xadhigooda amartay amaba la hor geeyey markan dambe aanay jirin.

Xubnahan Madax-dhaqmeedka iyo Cuqaasha iskugu jira ayaa Wasiir ku xigeenku xadhigooda u Cuskaday inay hortiisa uu gacan qaad ku dhex-maray, hase yeeshee sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyadu arrintaasi waa arrin aanay wax-ba ka jirin oo Wasiir ku xigeenku uu ka been abuuray Odayaasha.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Xubnahan loo gaystay tacadi kale oo laga hor istaagay dadkii soo booqanaayey, isla markaana qaar ka mida la dhibaateeyey, iyadoo mararka qaarkood Cuntooyinkii loo keenaayey ay ka hor istaageen Ciidanku. Waxa ay  Wararka aanu helaynaa ay tibaaxayaan in Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaarada arrimaha guduhu  uu taliyaha CID-da amar ku siiyey inaanu cid-naba u sii dayn, isla markaana ilaa uu xagiisa amar dambe ka helayo ay Xidhnaadaan, taasina waxa ay u muuqataa inay meel ka dhac  ku tahay Xuquuqda qofka Muwaadinka ah, iyadoo Madax-dhaqmeedkuna ay dhawrsanaan leeyihiin.

WAJAALE NEWS DESK

Hargeisa Office

Contact Us : wajalenews@gmail.com

Exit mobile version