WAJAALE NEWS

Siyaasiyiinta, Madax Dhaqameedka Iyo Xubnaha Xukuumada Ee Beesha Gobolada Hawd Iyo Hargeysa Oo Munaasibad Balaadhan Oo Soo Dhawayn Ah U Sameeyey Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Arimaha Debada Somaliland+Daawo Sawirada.

Hargeysa(WJN):-siyaasiyiinta,madax dhaqameedka iyo xubnaha xukuumada ee beesha gobolka Hawd ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Hargeysa(WJN):-siyaasiyiinta,madax dhaqameedka iyo xubnaha xukuumada ee beesha gobolka Hawd ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

 

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, madax dhaqameed, culimo u diin iyo marti sharaf kale oo qiimo badan, taas oo loo saameyey wasiirka arimaha debada Somaliland.,

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliila Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay munaasibadan ayaa  wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland ku war  geliyey inuu  qaranka u baahan yahay isla markaana wax badan laga filayo  ? somaliland waa wadan kuu baahnaa, waxaanan rajaynaynaa inaad wakhtigaaga galisid inaad dalkaaga ka qayb qaadato sidi horu mar loo gaadhsiin lahaa, rag badan oo munaasibadan fadhiyaana ay dalka wax badan u soo qabteen iyada oo adigana lagaa rajaynayo inaad markaaga dalkan u shaqayso, waxaanan kuugu ducaynaynaa in ilaahay xilka kuu fududeeyo.? Ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey munaasibadan loo qabtay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada  waxaanu yidhi  ? waxaan u mahad naqaynaa guddida soo qaban  qaabisay kulankan, anagana farxad ayey noo tahay inaanu ka soo qayb galno martiqaadkan loo samaynayo wasiirka arimaha debada, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu wasiirka cusub ka dhigo mid dadkiisa iyo dalkiisa dariiqa wanaagsan mariya, wixii uu inooga baahdana waa inaynu la garab istaagnaa.? Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada kula dardaarantay inuu dulqaad badan u muujiyo mudada uu xilka hayo  iyada oo xustay in dhaleecayn badan loo soo jeedin doono  ? hawshan laguu dhiibay dad ayaa u qaadan doonta marka aad safarada badiso ee la yidhaa kolba meel ayuu ka degay inaad dalxiis u baxayso,w axaanay se ogayn iyada oo aanay kaa horayn safaarado dhisan, iyada oo mushaharka lagu siiyo aanu soo dhaafi doonin wasaarada oo maalinba meel lagu bixin doono, adiga oo is dabaraya oo jeebkaaga isticmaalaya hadana xag xagasho badan ayaa kugu soo duuli ee dul qaado, waxaanan rajaynayaa inaan  afkaagu  ku ciili doonin oo aad  gartaada  ka hor akhrin doonto meel kasta oo aad tagto,? ayey tidhi marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Cabdilaahi Cabdi Cumar(Cabdilaahi Jawaan) oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada ku sifeeyey wasiir cusub oo ka kulmay wakhti wadanku horu mar gaadhay waxaanu yidhi ?waxaan leeyahay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada waxaan kugu soo dhawaynayaa magaca aas aasayaasha Somaliland, waxaad tahay wasiir aad u nasiib badan waayo caasimadda Somaliland iyo inta u dhaw oo dhan waxa laguugu soo dhaweeyey si balaadhan, waxaanad la kulantay wadan soo  rafaad dhamaystay, galgalasho u soo dhamaatay  oo heer soo gaadhay, waxaynu ku jirnay baadi doon aqoonsi  waxaanan rajaynaynaa inaad raadkeeda heli doonto, meel kasta oo aqoonsiga Somaliland laga helayana  waa inaad baadi doon u gashaa.? Ayuu yidhi siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Cumar

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wasiirka arimaha debada Somaliland, waxaanu tilmaamay in wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada laga filayo wax badan.

Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka arimaha debadu uu la kulmay wakhti aad u fiican ee wadanka Somaliland uu marayo meel wakhti xaadirkan aad u fiican ?maanta wadanku waxa uu marayaa meel fiican, dhaqaalihii wadankuna si wanaagsan ayeynu u dhisnay, waxaana inoo hadhay oo kaliya guushii laynoogu aqoonsan lahaa wadan aduunka ka mid ah, soo dhawaynta balaadhan ee wasiirka arimaha debada  loo samaynayana waxay tahay in laga filayo inuu wadanka wax badan u qaban doono, guud ahaan shacabka wadanka somalilan qof waliba dhismaha qaranka meel ayuu kaga jiraa, kaas oo ah mid fududaynaya qadiyada wadanka ee aad aduunka u bandhigays.? Ayuu yidhi wasiirka cadaalada Somaliland.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi(Aadan Siiro) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa dhinaciisa wasiirka arimaha debada kula dardaarmay inuu sameeyo samir badanwaxaanu yidhi  ?waxaanu leenahay  casuumadan ay noo sameeyeen beeshii ku xardhanayd halganka qaranka waad ku mahad san tihiin, maanta wadankeena waxa ka jirta baahi aad  u badan,  waxyaalaha aynu  kaga baxaynana waxa ka mida inaynu dunida xidhiidh la samaysano, aniguna waxaan qabaa in ilaahay waafajiyey madaxweynaha Somaliland inuu xilkaa u magacaabo, waxaanan leeyahay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada waxa lagaaga baahan yahay samir badan, xukuumadana waa in tusaale looga noqdaa samir iyo in dadka la ururiyo.? Ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi(Aadan Siiro)

Ugu danbayntii wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka mahad celiyey soo dhawaynta balaadhan ee masuuliyiinta, madax dhaqameedka iyo xubnaha xukuumada ka tirsan ee ka soo jeeda gobolka Hawd ay u sameeyeen ?  waxaan ka mahad celinayaa munaasibadan qiimaha badan ee laygu soo dhawaynayo, waan ogsoonahay oo hawsha lay dhiibay waa hawl culus, mana ah mid qof kaliya uu ka bixi karo, aniga oo aad uga mahad naqaya marwo Edan Aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arimaha debada oo aan la yeeshay kulankii ugu horeeyey ee wada tashi ah, hawshani way adag tahay laakiin wax aan la qaban Karin ma jirto haddii uu dadku isku duuban yahay oo ajande kaliya ay wada wataan, nabad aynu haysanaana wax la qiimo ah ma jirto, aniguna meelo badan oo dagaalo ka jiraan ayaan ka shaqeeyey iyada oo aan dareemayo muhiimada ay leedahay nabadu..?ayuu yidhi wasiirka cuusb ee wasaarada arimaha debada.,

Maxamed biixi Yoonis  waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dedaalo khayraadka dalka uu leeyahay kaas oo uu xusay in lagaga bixi karo dhibaatooyin badan ee dalka jira.

Munaasibadan ayaa ugu danbayntii ku soo af meerantay jawi degan.

Waxa kale oo munaasibadan ka hadlay xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Cumar Xasan,Suldaan Ibraahin Sulub,khadar kuwaas oo dhamaantood so dhaweeyey wasiirka arimaha debada Somaliland .

 

Exit mobile version